TURKIGA : Doorashada ka socota oo wareega labaad la isla aaday & horudhaca natiijada

TURKIGA : Doorashada ka socota oo wareega labaad la isla aaday & horudhaca natiijada

Ankara (Raxanreeb ) Aduunyada ayaa isha ku haysa  natiijada doorashada ka dhacday Turkiga, halkaas oo lagu dooranayo cida noqonaysa madaxweynaha Dalkaas , waxaana soo baxaya natiijooyin hor dhac ah.

Doorashadan waxaa si aad isu haya madaxwaynaha hadda talada haya Kemal oo ka socda dhinac mucaaradka . taas oo keentay loolanka adag ee – sanadkan uu wajahayo Erdogan.

Turkiga ayaa u jiheystey doorasho ku celis ah kadib markii madaxweyne Recep Tayyip Erdogan iyo ninka ay doorashada isku hayaan Kemal Kilicdaroglu midkoodna uusan helin aqlabiyadda codadka doorashadii Axadda.

Madaxwayne  Erdogan, oo 69 jir ah, soona xukumayey dalkaas 20 sano, ahna hoggaamiyihii ugu muddada dheeraa , ayaa soo bandhigay natiijo ka wanaagsan sidii la filayay.

Waxaa weli dhiman codadka ay dhiibteen Jaaliyadda Turkiga ee Dalalka dibadda ah ku maqan kuwaas oo loo ogolaaday in ay ku codeeyaan sanaadiiq loo geeyay waddamada ay ku sugan yihiin.

Turkiga waa mid ka mid ah dalalka yar ee Muslimiintu ku badan yihiin kaasoo haddana cilmaani ah.

Dalkan oo mar saldhig u ahaa Boqortooyadii Cusmaaniyiinta, ayaa hoggaamiyihii wadaniga Kemal Ataturk aasaasay sanadihii 1920-meeyadii.

Leave a Reply

Your email address will not be published.