Tehran (Raxanreeb online) – Weerar lagu qaaday magaalo ku taal bartamaha Israa’iil subaxnimadii saaka ayaa waxaa ku dhaawacmay 11 qof iyadoo hoggaamiyaha ugu sarreeya Iran uu wacad ku maray inuu jawaab ciqaabeed ka bixin doono weerarkii Israa’iil ee todobaadkii hore. Sidoo kale, Seeriga ka diga duullaanka cirka ayaa laga maqlayay bartamaha Israa’iil, ka dib dhowr...
Day: November 2, 2024
Madaxweyne hore Shariif Sheekh Axmed oo shir jiraa’id ku qabtay Muqdisho oo ka hadlay xaalada dalka uu kujiro.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynihii hore ee Somalia Shariif Sheekh Axmed oo galabta shir jaraa’id ku qabtay magaalada Muqdisho ayaa ka hadlay dagaaladii maanta ka dhacay magaalada Muqdisho iyo talaabadii labada aqal ee baarlamanku ay ku ansixiyeen dalabkii madaxweyne xasan shiikh ee ahaa in fasaxooda dib u dhigaan muddo bil ah si loo horkeeno sharciga...
Xildhibaannada labada gole ku matala Jubbaland oo tageeray go’aankii Axmed Madoobe.
Muqdisho (Raxanreeb online) – War-saxaafadeed ay soo saareen Xildhibaannada labada Aqal ku matala Jubbaland ayey si buuxda ugu taageereen mowqifka maamulka Jubbaland ay ka qaadatay shirkii Golaha Wadatashiga Qaran. Sidoo kale, Xildhibaannada ayaa War-saxaafadeed ay soo saareen ku sheegay in ay taageerayaan go’aanka madaxweyne Axmed Madoobe ku gaaray in uu qabto doorashada maamulkiisa, si aysan...
Ma jirto faragelin Itoobiyaan ah oo looga baahan yahay Al-Shabaab ayuu Madaxweynaha Soomaaliya ka hor sheegay Baarlamaanka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud oo khudbad dhinacyo badan taabanaysa u jeediyay baarlamaanka federaalka Soomaaliya ayaa muujiyay mowqifkiisa adag ee ku aaddan difaaca midnimada dhuleed ee Soomaaliya, xilli ay cirka isku sii shareereyso xiisadda gobolka. Waxa uu ku eedeeyay Itoobiya in ay ka leedahay hammi soo jireen ah oo ay ku doonayso...
Agaasimahii Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya oo is casilay.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Agaasimahii Warfaafinta Madaxtooyada Soomaaliya Cabdulqaadir Cali Dige ayaa goordhaw shaaciyay inuu iska casilay xilkii uu ka haayay madaxtooyada Soomaaliya. Qoraal dheer oo uu soo saaray ayaa ku sheegay Cabdulqaadir Cali Dige in maanta oo Sabti ah uu isaga tagay xilkii uu ka hayay Villa Soomaaliya, wuxuuna mahadcelin balaaran u jeediyay madaxweyne...
Dagaal udhexeeyo ciidamo kawada tirsan DF oo kasocda xaafada Jaamacadaha ee degmada hodan.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay aaga isgooska Ex-koontarool Afgooye ilaa Soonakey, waxaana dagaalka salka ku hayaa dhul la sheegay in ciidamada dowladda bur burinayeen. Sidoo kale, Ciidamo katirsan dowladda balse u abaabulan qaab qabiil ayaa dagaal kala hortagay ciidamo kale...
Madaxweynaha Soomaaliya oo mar kale sheegay in ay ka go’an tahay in doorasho qof iyo cod ah la qabto sanadka 2026-ka.
Muqdisho (Raxanreeb online) – Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa mar kale sheegay in dowladdiisa ay ka go’an tahay in dalka ay ka dhacdo doorasho qof iyo cod ah marka la gaaro sanadka 2026-ka, inkastoo ay kasoo horjeesteen labada hoggaamiye ee dowlad goboleedyada iyo siyaasiyiin caan ah. Madaxweyne Maxamuud oo Khamiistii ka hadlayay Magaalada Muqdisho,...
Howlgalka kala guurka kaalmeynta Qaramada Midoobay oo bilowday ee Soomaaliya.
Muqdisho (Raxanreeb) – Hawlgalka Kalaguurka ee Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNTMIS) ayaa hawgalladiisa bilowday shalay oo ay taariikhdu aheyd 1 November, isagoo beddelaya Hawlgalka Kaalmaynta Qaramada Midoobay ee Soomaaliya (UNSOM). Sidoo kale, Ku-simaha Ergeyga Gaarka ah ee Xoghayaha-Guud ee Qaramada Midoobay u qaabilsan Soomaaliya, James Swan ayaa sheegay in UNTMIS uu xaqiijinaya sida ay...
Dowladda Soomaaliya oo dagaal beeleed ku tilmaantay dagaalka udhexeeyo SSC-Khaatumo iyo Somaliland.
Muqdisho (KAAB TV) – Dagaal xooggan oo u dhaxeeya ciidamada maamulka Khaatumo iyo kuwa maamulka Somaliland, ayaa labadii maalmood ee lasoo dhaafay ka socday deegaannada Qorilugud iyo Shangeed, waxaana dagaalka ka dhashay khasaaro badan oo isugu jira dhimaho iyo dhaawac. Sidoo kale, War kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ay ugu...
Maamulka Somaliland oo sheegtay in dagaalka kasocdo deegaanka Qorilugud ay ka dambeyso DF.
Hargeysa (Raxanreeb online) – Maamul goboleedka Somaliland, ayaa ku eedeeyay Madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh in uu ka dambeeyay duullaan ay ciidamada maamulka Khaatumo State ku qaadeen deegaanka Qorilugud ay ku sugan yihiin ciidamada Somaliland. Sidoo kale, War-saxaafadeed kasoo baxay Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland ayaa lagu sheegay in dagaalka ka socda deegaano hoostaga Buuhoodle yihiin duullaan...