Dagaal udhexeeyo ciidamo kawada tirsan DF oo kasocda xaafada Jaamacadaha ee degmada hodan.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Dagaal khasaaro kala duwan dhaliyay oo u dhaxeeyay ciidamo kawada tirsan dowladda Soomaaliya ayaa ka dhacay aaga isgooska Ex-koontarool Afgooye ilaa Soonakey, waxaana dagaalka salka ku hayaa dhul la sheegay in ciidamada dowladda bur burinayeen.

Sidoo kale, Ciidamo katirsan dowladda balse u abaabulan qaab qabiil ayaa dagaal kala hortagay ciidamo kale oo katirsan dowladda , kuwaa oo isku dayay in ay xoog dadka uga saaraan dhul la sheegay in dowladda leedahay oo agaasi kuyaalla.

Dhanka kale, dagaal daqiiqado badan socday ayaana dhax maray labada ciidan ee iska soo horjeeda, waxaana aagga dagaalka ka dhacay noqotay meel lagu kala cararay, waxaana xiran goobihii ganacsi ee agaasi ku yaallay iyo goobaha waxbarasho.

Wararka aan heleyno ayaa sheegaya in khasaaro nafeed dagaalka kasoo gaaray dhinacyada dagaallamaya iyo waliba dad shacab ah, waxaana wali aagga lagu dagaallamay iska soo horjeeda labada ciidan ee dirirtu u dhaxeyso, kuwaa oo mar kasta dagaal ka dhax qarxi karo.

Ciidamo labada dhinac u soo kala gurmanaya ayaa wararku sheegayaan in aagga dagaalka ka socdo soo gaarayaan, waxaa sidoo kale aagaasi gaaray saraakiil ciidan kuwaa oo isku dayaya in dagaalka xal u raadiyaan.

Leave a Reply

Your email address will not be published.