Riyaad ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Xildhibaan Maxamed Aadan Macallin (Soomaali), ayaa kulan muhiim ah la yeeshay Wasiirka Isgaarsiinta iyo Tiknoolajiyada Boqortooyada Sacuudi Carabiya, Injineer Cabdullaahi Aamir Al-Swaha. Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga labada dal ee dhinacyada horumarinta adeegyada dowladda dhijitaalka ah, dhismaha kaabeyaasha isgaarsiinta, iyo maalgelinta...

