Muqdisho ( Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay howlgalka AUSSOM ee Soomaaliya ayaa looga hadlay diyaar nooca qumaatiga u kacda oo ay leeyihiin milatariga dalka Uganda oo ku burburtay garoonka diyaaraddaha ee Aden Cabdulle ee magaalada Muqdisho. “Arbacadii abbaare 7:30 subaxnimo, diyaarad nooca qumaatiga u kacda oo leeyihiin Militariga Uganda ee ka mida howlgalka Midowga Afrika...
Day: July 2, 2025
Iiran oo xoojisay wada-shaqeynta haya’dda kormeerka nukliyeerka ee IAEA
Tehraan ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Iiran Masoud Pezeshkian, yaa si rasmi ah u saxiixay sharci joojinaya wada-shaqeynta Tehran la leedahay hay’adda kormeerka nukliyeerka ee Qaramada Midoobay, IAEA. Sharcigan ayaa horay waxaa u ansixiyay baarlamaanka Iiraan, waxaana oggolaaday Golaha Ilaalinta Dastuurka ee awoodda badan leh. Tallaabadan waxay timid kadib weerarro ay Mareykanka iyo Israa’iil ku qaadeen...
Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya oo ka hadashay shilkii diyaaradeed
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Safaaradda Mareykanka ee Soomaaliya ayaa sheegtay inay ka xuntahay diyaaraddii manta ku dhacday garoonka diyaaradaha ee Aadan Cadde. Waxay sheegeen inay tacsi u dirayaan ehelada geesiyada geeriyooday iyagoo howlahooda shaqo ku jira iyagoo dhanka kalena caafimaad deg deg ah u rajeeyay kuwa uu dhaawaca soo gaaray. Waxaa kale oo ay intaa...
Wasiirka Gaashaandhigga oo kulan la yeeshay howlgalka tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Wasaaradda Gaashaandhigga Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo howlwadeenada sare ee Wasaaradda ayaa maanta kulan la yeeshay koox ka socotay Hawlgalka Tababarka Midowga Yurub ee Soomaaliya (EUTM-S), oo uu hoggaaminayay Colonel Riccardo Peretto, Madaxa Kooxda La-taliyeyaasha EUTM-S. Intii uu kulanku socday, Wasiir Fiqi wuxuu uga mahadceliyay Midowga Yurub taageerada...
Diyaarada Turkish Airlines oo cabsi darteed ka degi weysay garoonka Aadan Cadde
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Diyaaradda Turkish Airlines oo goordhow rabtay in ay kasoo degto garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ee magaalada Muqdisho, ayaa dib uga noqotay kaddib markii ay ku burburtay qeyb garoonka kamid ah diyaarad nooca helicopter-ka oo ay leeyihiin Ciidanka ATMIS. Turkish Airline oo waday Rakaab ayaa amniga dadka saaran awgeed u go’aansatay in...
Madaxweyne Trump oo hanjabaad u diray dalka Japan
Washington ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Mareykanka Donald Trump ayaa ku hanjabay in uu canshuur 30% ama 35%” saarayo Japan, haddii aan la gaadhin heshiis u dhexeeya labada dal ka hor dhammaadka toddobaadka soo socda. Tallaabadan ayaa waxa ay qayb ka tahay waxa uu Trump ugu yeedhay “Maalinta Xoriyadda” ee 2-da Abriil, markaasi oo uu ku...
Faah faahin: diyaarad nooca qumaatiga u kacda ee Helicopter oo burburtay garoonka Muqdisho
Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya diyaarad Helicopter ah oo ay lee yihiin howlgalka AUSSOM oo ku burburtay qeybta Afisyooni ee garoonka diyaaradaha ee magaalada Muqdisho. Diyaarada burburtay oo aheyd mid militeri ayaa la sheegay in ay kasoo kacday garoonka Baledgole ee gobolka Shabeellaha Hoose. Maareeyaha guud ee hay’adda duulista rayidka...