Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Soomaaliya Xamse Cabdi Barre, ayaa xafiiskiisa ku qaabilay Ku-xigeenka Agaasimaha Guud ee Hawlgallada Hey’adda (IOM) Ugochi Daniels, iyagoo ka wada hadlay arrimo muhiim ah oo ku saabsan xoojinta wada shaqeynta iyo dardargelinta barnaamijyada ay ka fuliyaan dalka, iyadoo la is waafajinayo shaqooyinka ay qabtaan iyo Qorshaha Isbeddelka Qaranka...

