Kooxda TPLF miyay ogolaatay xabad- joojin ka dhaqan gasha Itoobiya ?

Adis Ababa (Raxanreeb ) Ka dib jabkii xoogaana Kooxda TPLF uu ka soo gaaray dagaalka ay kula jireen Dowladda Federaalka Itoobiya ayaa ogolaadeen in ay isku dhibaaan Dowladda

Siyaasiinta falanqeeya arrimaha Itoobiya ayaa sheegaya in tani ay ka dhigan tahay sida Kooxdan jab ay ugula kulantay dagaalka isla markaana looga awood sheegtay magaalooyinka dalka Itoobiya.

Waxaa la rumaysan yahay in Kooxda TPLF markaan ay isku dhiibeen Dowladda Itoobiya oo awood badan ku leh goobihii ay ka socdeen dagaalada oo ay ka socdaan qorshe Dowladda ay ku xasilanayso magaalooyinka.

Xubno ku sugan Dalka Kenya oo taageero u ah Kooxda TPLF ayaa maqalka ah in Kooxdu ay ku jabtay dagaalka isla markaana ay is dhiibtay ku abuurtay walwal iyo cabsi .

Dowladdii uu hoggaaminayay Uhuru Kenyatta ayaa lacag badan ku bixinaysay kooxdan si ay u taageeraan dacaayadaha TPLF oo ah koox falaaga ah ka dagaalamaysay magaalooyinka Itoobiya balse hada ay is dhiibeen.

Dalka Kenya oo ay ka dhalatay Dowlad cusub oo uu hoggaamiyo Willeim Ruto ayaa laga laga yaabaa in taageerayaasha kooxda falaagada ah ee ku jabtay dagaalka ay isaga cararaan taas oo durbadiiba laga dareemay gudaha Kenya.

Fallaagada TPLF ayaa maalmo ka hor ku ku hoobtay dagaal ay la galeen ciidanka Federaalka Itoobiya taas oo keentay in ay isa soo dhiibaan isla markaana ay ogolaadaan in markan ay qaatan Nabadda.

Leave a Reply

Your email address will not be published.