Muqdisho (Raxanreeb ) Ciidanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ayaa hawlgal qorshaysan ka fuliyay deegaanka Ceel-qurac oo ku yaalla xadka u dhaxeeya Gobollada Galguduud iyo Shabeelaha dhexe.
Hawlgalka oo ciidanku ay ku beegsadeen goob ay isku uruursanayeen sida la sheegay kooxda Al- Shabaab ayay Ciidamadu ku dileen in ka badan 30 ka tirsan kooxda halkaas joogtay waxayna kala wareegeen Hub iyo agab kale oo ciidan.
Ciidamada xoogga ayaa burburiyay saldhiggii Al- Shabaab waxaana hadda socda hawlgal lagu raad joogo sida ay baahisay warbaahinta Dowladda.
Deegaanka howlgalkaan ka dhacay waxa uu u dhaxeeya Gobolka Galgaduud ee Dowlad-Goboleedka Galmudug & Gobolka Shabeelaha Dhexe oo Dowlad-Goboleedka Hir-Shabeelle ah, waxaana ka socda abaabul iyo dhaqdhaqaaq ciidan.
Ciidamada Dowladda Federaalka oo kaashanaya Dadka Deegaanka ee loo yaqaan Macawiisleyda ayaa muddooyinkii dambe howlgallo xooggan kawaday deegaanno katirsan Dowlad-Goboleedyada Galmudug & Hir-Shabeelle.
Dhowr maalin ka hor ayay ahayd markii dowladda howlgal ay ka fuliyeen degaano hoos yimaada Galcad ku dishay dagaalamayaal katirsan Shabaab.
Ciidanka dowladda ayaa u muuqda kuwo kordhiyay howlgallada ka dhanka ah Alshabaab.
Maalmihii u dambeeyay ayaa waxaa Galmudug iyo HirShabelle ka socday howlgallo culus oo ka dhan ah kooxda Al-Shabaab, kuwaas oo ay guullo ka gaareen ciidamada huwanta ah.
Leave a Reply