Isticmaalka Shilin Soomaaliga oo  caqabad uu ka taagan yahay

Isticmaalka Shilin Soomaaliga oo  caqabad uu ka taagan yahay

Muqdisho (Raxanreeb ) Xukuumadda Federaalka ah ee Soomaaliya ayaa dadaal ku bixinaysa sidii dib loogu soo daabici lahaa lacag shilin Soomaali ah ka dib  lacagta ay noqoay mid baa’baday oo isticmaalkeeduna uu caqabad ka taagan  tahay.

Maalmo ka hor Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda  Federaalka  Xamze Cabdi Barre ayaa kulan la qaatay Guddiga dib-u-daabacidda Lacagta Shilinka Soomaaliga oo ay isla soo qaadeen halka ay marayso  lacagtii Suudan lagu daabacayay.

Waxa  ay xukuumadu ay sheegtay in muhiim ay tahay dib u so noolaynta lacagta dalkeenna,  oo baa’baday si wax looga qabto sicir-bararka iyo nolosha adag.

Magaalada Muqdisho waxaa ka taagan caqabada la xiriirta isticmaalka shilling Soomaaliga ah taas oo keentay in sicir babarka ka jira suuqyada magaalada Muqdisho.

Shilinka Soomaaliga ee hore oo weli laga isticmaalo qayba ka mid ah Soomaaliya waa lacagtii ay dowladdi burburtay xilligeedi la isticmaalayey iyada oo ay jirin lacag cusub oo beddeshay tan iyo sanadkii 1991-dii.

Dowladihii ka dambeeyey dowladdii kacaanka ee isugu jiray mid ku meel iyo mid Federaal ahba waxay marar badan dedaal u galeen in lacago cusub oo tii hore beddesho la soo saaro waloow iskudaygii ay sameeyeen ay weli mira dhal noqonin

Leave a Reply

Your email address will not be published.