Muqdisho (Raxanreeb) — Golaha Nabadda iyo Amniga ee Midowga Afrika, ayaa aqbalay, soona dhoweeyey codsi dhowaan ay gudbisatay Dowladda Federaalka Soomaaliya, oo ahaa in la helo ciidamo caalami ah, oo beddela kuwa howlgalka ATMIS Ex Amisom.
Dowladda, ayaa si gaar ah, Midowga Africa, uga codsatay in uu hoggaamiyo ciidamada cusub ee shaqada kala wareegi doona ATMS, bisha December ee sannadkan 2024.
“Tiro ahaan marka la fiiriyo way ka yar yihiin ciidanka ATMIS, waxayna noqon doonaan ciidamo garab siiya ciidamada federaalka ee Soomaaliya ha noqoto inay tababar siiyaan ama xarumaha muhiimka ah ee dowladda in ay sii waardiyeyaan” ayuu ku yiri wareysigan Falanqeeye Axmed Kaboole, oo la hadlay VOA.
Ciidamadan ayuu sheegay in ay caawin doonaan ciidamada dowladda Soomaaliya, sidoo kalena ay ka howlgali doonaan goobaha muhiimka ah, halka kuwa ATMS, ee baxaya sannadkan ay tiro yaryihiin.
“Howlgalkooda wuxuu noqonaaa caawinaad, ayada oo la dhisayo Ciidamad Xoogga dalka Soomaaliyeed si ay taageero u siiyaan” ayuu yiri mar kale.
Codsiga Dowladda Soomaaliya, ayaa kusoo aadaya, xilli Soomaaliya, ay la wareegtay xerooyin badan iyo madaxtooyada qaranka oo gebi ahaanna ciidamada ATMS, kala wareegeen kuwa Soomaalida.