Wiilal uu dhalay  hoggaamiyaha Xamaas oo lagu dilay Gaza.

Wiilal uu dhalay  hoggaamiyaha Xamaas oo lagu dilay Gaza.

GAZA  (Raxanreeb) –Sarkaal ka tirsan Xamaas ayaa ku eedeeyay Ra’iisul wasaaraha Israa’iil inuu waxyeeleynayo wadahadallada xabbad-joojinta ka dib saddex wiil iyo afar caruur  uu awoowe u yahay hoggaamiyaha Xamaas Ismail Haniyeh oo lagu dilay weerar cirka ah oo Israa’iil ka geysatay Gaza.

 Milatariga Israa’iil ayaa xaqiijiyay in ay dileen saddex wiil oo uu dhalay hoggaamiyaha siyaasadda Ururka Xamaas Ismaaciil Haniyeh, kaddib weerar cirka ah oo ka dhacay Waqooyiga Gaza.

Haniyeh ayaa sheegay in dhacdadani aysan waxba ka bedeli doonin dalabaadka Xamaas ee wadahadalada lagu doonayo in lagu gaaro heshiis xabad joojin ah.

Xaniyeh ayaa sheegay in uu warkan maqlay xilli uu booqanayay dhaawacyadii Falastiiniyiinta ee loo qaaday in lagu dabiibo caasimadda Qatar ee Dooxa oo ah halka uu deggan yahay hoggaamiyaha Xamaas.

Hoggaamiyaha sare ee Xamaas oo la hadlay telefiishanka Al Jazeera ayaa xaqiijiyey geerida ku timi ubadkiisa, isaga oo sheegay inay caruurtiisu shahiideen,

Caruurta Ismaaciil Haniyah ayaa noqonaya, dadka ugu magaca sarreeyey ee ay Israa’iil la xidhiidhinayso Xamaas ee lagu dilay dagaalka socda muddada lixda bilooda

Xaniyeh ayaa lagu tiriyaa in uu yahay hogaamiyaha guud ee Xamaas, waxaana uu ahaa xubin caan ka ah dhaq dhaqaaqa tan iyo sannadkii 1980-kii, waxaana loo doortay madaxa xafiiska siyaasadda ee Xamaas 2017-kii,

Leave a Reply

Your email address will not be published.