Ciidamada Macawiislayda oo saanad ciidan kasoo furtay Al-Shabaab

Ciidamada Macawiislayda oo saanad ciidan kasoo furtay Al-Shabaab

Muqdisho (Raxanreeb) — Warar dheeraad ah, ayaa laga helayaa howlgal culus oo maanta ciidanka Macawiisleyda ee ku sugan Galgaduud ku qaadeen kooxda Al-Shabaab, kaas oo khasaare culus lagu gaarsiiyay kooxda, hub badana looga soo furtay halkaasi.

Howlgalkan ayaa si gaar ah, uga dhacay deegaanka Geerille oo ah, deegaannu dhaxeeya Baraak Sheikh, iyo Xuseen Cagey, sida ay sheegeen saraakiisha hoggaamineysay howlgalkan.

Macawiisleyda deegaanka ayaa weerar gaadmo ahaa ku qaaday fariisimo Al-Shabaab, ku lahaayeen deegaankaasi, halkaas oo uu ka dhacay dagaal toos ah, laguna jabiyay Al-Shabaab, sida ay sheegeen Macawiislayda.

Ciidamadan Macawiislayda, ayaa sheegay in weerarkaasi ay ku gaarsiiyeen khasaare culus islamarkaana ay kasoo furteen hub badan.

Muuqaal laga soo duubay Macawiislayda ayaa mid ka mid ah, ciidamada Macawislayda lagu wareejiyay qori AK47, ah, kaas oo isaga kasoo qaatay Al-Shabaab.

“Macawiisleyda joogta bariga gobolka Galgaduud saas inay u dirirto ayaan rabaa shaqo wacan, qoraygaana adaa iska leh” ayuu yiri sarkaal ka hadlay goobtaasi.

Al-Shabaab, ma jiro wax hadal ah, oo dhankooda kasoo baxay kaas oo ku aadan weerarkan gaadmada ah, ee pagu qaaday fariisimahooda ku lahaayeen deegaanka Geerille ee gobolka Galgaduud.

Inta badan gobollada dhexe waxaa ka socda howlgallo ka dhan ah, kooxda Al-Shabaab, islamarkaana loogu ciribtirayo deegaannada ay kaga suganyihiin gobolladaasi.