Moscow (Raxanreeb )- Madaxweynaha Ruushka Vladimir Putin oo ku sugan caasimadda dalka Belarusia ee minsk ayaa shir jaraa’id oo ay si wadajir ah ugu qabteen dhiggiisa dalkaas Alexander Lukashenko ayay ugu hadleen geerida Madaxweynihii dalka Iran, dhoolatuska nukliyeerka ah ee uu Ruushka qorshaynayo, iyo dagaalka Ukraine.
Putin iyo Aleksandar ayaa si wadajir ah Mareykanka iyo xulafadiisa ugu eedeeyeen geerida madaxweynihii iiraan Ebrahim Raisi oo 19-kii bishan ku naf waayay shil diyaaradeed oo ka dhacay bariga dalkaas.
Dhanka kale Putin wuxuu sheegay in Ruushka uu dib ugu laaban karo wada-hadallada uu kula jiro Ukraine ee ku saleysan heshiisyadii lagu gaaray wada-xaajoodyadii horraantii sanadkan ka dhacay Turkiga iyo Belarus.
Waxa uu intaa ku daray in wadaha-dallado ay laba dhinac yeeshaani ay suurtagal yihiin, iyadoo lagu salaynayo xaqiiqda dhabta ah, diyaarna ay arrintaas u yihiin, wuxuu ku eedeeyay Britain inay tahay cidda ku riixday Ukraine inay ka baxdo wada-hadallada.
Dagaalka Ruushka iyo Ukraine ayaa billowday 24-kii Febraayo, 2022 ka dib markii Ruushku uu bilaabay wax uu ku tilmaamay hawlgal millatari gudaha Ukraine ah, wuxuna xilligaa ku dhawaaqay inuu soo afjaro himilada Kiev ah inay ku biirayso ururka gaashaan buurta nato.
Leave a Reply