XAMAR WAXAA LEH NINKII GURI KU LEH!

XAMAR WAXAA LEH NINKII GURI KU LEH!

Muqdisho (Raxanreeb)- Qormadani, waa mid xanbaarsan carin iyo maangodlin dadweyne, maaha mid lagu dhaliilayo cid gaar ah, waa qormo muujinaysa hoggaamin xumida gobolka Banaadir haysata, waa qormo tilmaameysa gudasha la’aanta iyo marnaanta dadka  loo dooray, waa qormo ifineysa in aan loo baahnayn gudoomiye gobol oo ku mashquulsan dharka gabdhaha soo koraya iyo timaha wiilasha kurayga ah, waa qormo mililka iyo hurgumada ka jeexeysa maasha iyo burada qabiilku ka soo saaray quluubteenna, waa qormo iftiimineysa xaggee baan u soconnaa? Waa haddii uu socod jiro? Waa qormo kuu sheegaysa horta yaad u nooshahay? Waa qormo kuu fasiraysa qiimaha iyo qaayahaya gobolka Banaadir.

           “Inta maanku gaajaysan yahay guuli waa weli” – Hadraawi

Gudaggal (iftiimin-taariikheed)

Maalmihii u dambeeyay waxaa baraha bulshadda qabsaday dood la xiriirta lahaanshaha Gobolka Banaadir, balse inta aanan gelin falanqaynta lahaanshaha waxa aan idiin soo gudbinayaa taarikhdii kala duwanayd uu soo maray Gobolku.

Gobolka Banaadir waxa la isku oran jiray dhammaan dhulka xeebaha Koonfureed ka bilow Jubbada Hoose/Dhexe, ilaa Cadalle.Magaca Banaadir waa magac Persian ah oo la macne ah BANDAR (XEEB). Magacuna wuxuu baxay ka dib burburkii boqortooyadii Persian-ka ahayd ee ka talin jirtay carriga Yaman sanadkii 651 boqortooyadaas oo la oran jiray SASANID.

Waxayna taariikhyahannadu sheegeen in dadkii boqortooyadaas ka tirsanaa ay u kala carareen dhulka Soomaaliya ka dib na ay sidaa ku degeen oo ilaa waqtigan waxa jira qabaa’illo Banaadiri ah oo ku abtirsada Persian-ka.

Dadka deggan waxa ay iskugu jireen beeralley, kalluumaysato iyo xoola-dhaqato. Dhaqaalaha gobolka wuxuu ku tiirsanaa wax-soosaarka ganacsiga ka jira deegaanka. Waxa ka jiray ganacsi baaxad weyn oo ilaa Afria iyo Carabta isku xeran, waxaa iman jirey ganacsato shisheeye, waxa ayna ku soo xeran jireen dekadda Warsheekh, Shangaani (Second Lido) iyo Baraawe.

Waxa ka furnaa suuq aad u weyn degmada Xamarweyne (MUQDISHO MARKET), waana sababta magaca Xamarweyne ku baxay— oo waa goobtii la iskugu imaan jiray ee ganacsiga. Dekadda Shangaani ayaa ahayd deked aad u shaqaysa dhoofin iyo sooddejin ba (Export and Import) dhaqaalaha deegaankana uu aad ugu tiirsanaa. Xamar oo ahayd wakhtigaas degmooyin aad u kooban kalana ah: Shangaani, xamar-weyne, Xamar-jajab, Waabberi iyo degmada Cabdulcasiis ayaa waxay lahayd afar albaab oo laga soo galo waxana ka talin jiray dad Banaadiri ah. Dadyawga Banaadiriga oo ahaa dad ganacsiga aad ugu wanaagsan ayaa waxay xiriir ganacsi la lahaayeen Africa-da iyo Carabta.

Markay aasaasantay Boqortoyadi Ajuuraan qarnigii 13-aad, taas oo ka soo aasaasantay dhulka Soomaali Galbeed ayaa waxay duullaan ku qabsatay gobolka Banaadir, waxayna ka soo galeen dhanka Jubbooyinka, waxa ayna caasimad ka dhigteen gobolka Shabeellada Hoose.Dadyowgii gobolka Banaadir dhibaatooyin aad u weyn ayey kala kulmeen boqortooyadii Ajuuraan, waxana bilowday DagaalkiiAji iyo Ajuuraan

Ka dib burburkii boqortooyadi Ajuuraan waxa dhacay inay aasaasanto Saldanado kala duwan sida Saldanaddii Gelledi qarnigii 17-aad iyo Saldanaddi Silcis ee isla qarnigii 17-aad waxa bilowday awood biirsi iyo kooxaysi waxa bilowday colaad beelaha gobolka Banaadir dhexdooda ah.

Sanadkii 1804 markii ay bilaabatay Saldanaddii Zanzibar ee uu hoggaaminayey Saciid ibnu Suldaan ayaa waxa ay ganacsi la galeen dadyawgii banaadiriga ee iskaga gooshi jiray dhammaan xeebaha Carabta. waxa bilowday in boqortoyadii Zanzibar ay yimaadaan gobolka ka dib na heshiisyo la galaan dadkii Banaadiriga ahaa.

1870-kii Suldaan Barqash binu Saciid ayaa yimid Xamar wuxuna ku soo degey Odayaashii Banaadiriga oo xilligaa lahaa xeer iyo maamul wanaagsan. Suldaan Barqash ayaa Odayaashii Banaadiriga ka codsaday in la dhiso ciidan suga ammaanka waxana ciidankaas laga keenay Shabeellada Hoose iyo Xamar waxana hoggaamiye looga dhigay ciidankaas Cismaan Baa Mukhtaar oo ku magac dheeraa (Cismaan Lamu). Boqortooyadii Zanzibar waxa ay gobolka joogtey mudda lagu qiyaaso 10sanadood.

 Sanadkii 1885-tii ayaa Boqortoyadii Zanzibar ee joogtay Xamar, si nabad ah ku wareejisay hogaankii gumeystaha Talyaaniga.Talyaniga ayaa muda yar ka dib u suuro gashay inuu qabsado dhamaan dhulka konfurta.

Gobolka Banaadir sida aan wada ogsoon nahay waa gobol muhiim u ah dadka Soomaaliyeed oo dhan waana halka ay ku taallo Caasimadda dalka Soomaaliya ee MUQDISHO. Sanadkii 1936-dii ayuu noqday Dr. Compani Romeo duqii ugu horeeyay ay yeelatay magaalada Muqdisho, Waxana la ogsoon yahay in magaalada ay madax ka noqdeen 10 Ajnebi, kuwaas oo ahaa duqa magaalada, balse sanadkii 1954-tii ayaa qofkii ugu horreeyey oo Soomaali ah noqday duqa magaalada Muqdisho, waxaana lagu magacaabi jiray Cali Cumar Sheegow.

Waxa aan si kooban kugu soo gudbiyay heerarkii uu soo maray gobolka ka hor imaatinkii gumeystaha. Sidoo kale, waxaa ka war haysaa imaatinka Talyaaniga ka dib ilaa burburkii dowladii Kacaanka, waana taarikh cid kasta ka dheragsan tahay, xilliyadaasi waxa ay magaaladu marba ku fidaysey daafaheeda, waxaana magaalada ku wada noolaa dhammaan qabiillada Soomaaliyeed.

Sidoo kale, gobolka Banaadir waxaa iska leh “qofkii guri ku leh, ahna deegaan”qofkaas ayaa xaq u leh inuu codeeyo ama uu isku sharraxo maamulka Magaalada —, waa hagaageBeesha Galmaa Yoonis oo sheegata in ay magaalada leeyihiin waa kuwo ka qatsan Maamulidda Magaalada. Tan iyo burburkii Soomaaliya waxaa soo maray Shan Guddoomiye Gobol. Akhristoow Maxay ku qasaarayaan Beesha Galmaax yoonis hadii gobolka laga dhigo mid furan, maadaama aysan iyagu manta madax ka aheyn, ayna ugu dambeysay kursiga gudoomiyaha sanadkii 2015-kii.

Waxa se bulshadda dhibaato ku qabtaa waddooyinka burbursan, canshuurta xad-dhaafka ah oo aan waxba lagu qaban, ku-tagrifal awoodeed, Intaa waxaa ugu daran niyad-jabka ku dhacay bulshada, waxa na maalin dhexdaas daawaday Duqa magaalada oo leh; “Waa in ciyow laga jiiftaa magaalada, lama soo jeedi karo, mana la qaban karo aroos xilli dambe”, waxaa maskaxdayda ku soo dhacday guddoomiyaha ma wuxuu jogaaa Jilib mise Muqdisho, waxaa ka shakiyay inuu joogo Muqdisho.

Gumaanad (Godlin maan)

Gobolka Banaadir wuxuu leeyahay taarikh fog, mana ka bilaabaneyso taarikhdiisa wixii ka dambeeyay 1991-kii, waxaa gobolka soo maray xilli uu ka koobnaa Shan degmo oo kala ah Shangaani, Xamar-weyne, Xamar-jajab, Waabberi iyo degmada Cabdulcasiis, waxaana laga soo geli jiray ayaa 4-albaab, iyadoo ay ka talin jireyn reer Banaadiri. Sidoo kale, waxaa gobolka ka soo taliyey boqortooyin kala ah Zanzibaar, Ujuuraan, ka dibna waxaa la wareegay gumeystihii Talyaaniga —kgumeystihii ka dibna waxaa magaalada jiheynayay hadba dowladdii xiligaa joogtay.

Waxa aan farriin u dirayaa qabiilka Abgaal, gaar ahaan beesha Galmaax Yoonis, waxa aan idin leeyahay labo is qaban meyso; in aad dhehdaan: “Magaalada unukaa leh” iyo inaad ka macaashtaan nacfiga lagu helo magaca Caasimadda, waxaa la idinka gataa ama la idinka ijaartaa dhulkiinna, waxa ay ilmihiinnu wax ku helaan magaca dowladnimada Soomaaliya, waxaa magaalada soo degay qabiil kasta oo Soomaaliyeed. Waxaa la idinka rabaa inaa kala doorataan in magaalada Caasimad Qaran noqoto ama meel uu reer leyahay.

Waxa aan kor u leeyahay in gobolka Banaadir aysan reer goonni ah lahayn, maantana aan loo baahnayn inaan isku mashquullino lahaanshaha magaalada, waxaa manta loo baahan yahay in bulshaddu ay soo dooran karto guddoomiye gobol, ayna kula xisaabtami karto shaqooyinka uu qabtay iyo waxyaabaha uu ka gaabiyay.

Waxa aan u baahannahay guddoomiye gobol oo aan qabiil metelaynin ee ka shaqaynaya ajandihii ama qorshihii lagu doortay. Sidoo kale, waxa aan u baahannahay duq magaalo oo ka warqaba baahiyaha magaalada, wax ay bulshadu la daalaa-dhacaysaa kaaman qaxooti oo fara badan, xaafado isku-raran ah iyo nidaamka bullaacadaha oo aan shaqaynin, mana jiro guddoomiye oo wax ka qabanaya ilaa xilka guddoomiyaha uu noqdo mid si siman loogu tartamo bulshada na u furan.

 -Akhristoow, maxaa diidaya in loo tartamo xilka Guddoomiyaha Gobolka, laguna doorto qorshaha ama ajandaha uu wato murashaxa, aanna lagu dooran qabiilkiisa?

– Akhristoow, ilaa gormee ayaa ku jireynaa in nagula cabsi geliyo magacyada qabiiladda?

– Akhristoow, waxa aan u baahannahay in magaalada Muqdisho ay noqoto magaalo u dhiganta caasimadaha adduunka, waa inaan ka gudubnaa xayndaabka qabiilka, waa in magaaladu ay la tartantaa magaalooyinka Africa.

– Akhristoow, magaalooyinkii Tiriboli iyo Baqdaad waxa ay ka gudbeen marxaladihii ay soo mareen, waxaana la arkaa in ay soo hagaagayaan, gormee ayaa ka bixi donnaa dhagaxyada magaalada lagu jaray, kaamamka tirada badan iyo hoggaamiye xumida na haysata.

-Akhristoow, bulshadu uma baahna guddoomiye gobol oo ku mashquulsan dharka haweenka, timaha dhallinyarada iyo xilliyada aroosyada la qabanaayo, waxaa wax lala yaabo ah in guddoomiyaha gobolku uu qabanaayo shaqooyinka ay qabtaan kooxda Al-shabaab gaar ahaan Maktabka Xisbada, waxaana wax lala yaabo ah inuu yahay guddoomiyihii ugu horreeyey oo aan aqoonin shaqooyinka loogu talagalay inuu qabto.

W/Q: MAXAMED AXMED JIINTE

Jiintecade23@gmail.com

DHAMMAAD

Leave a Reply

Your email address will not be published.