DF oo amar ku bixisay in 10 maalin qoysaska ehelkoodu ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiya ay ku faagtaan

DF oo amar ku bixisay in 10 maalin qoysaska ehelkoodu ku aasan qabuuraha Iskuul Buluusiya ay ku faagtaan

Muqdisho (Raxanreeb) — Masu’uliyiin kala duwan oo ay ka mid yihiin, Wasiirka Gaashaandhigga, Taliyaha Booliska, guddoomiye ku xigeenka dhanka amniga ee gobolka Banaadir ahna ku simaha duqa Muqdisho, Yuusuf Jimcaale Madaale, iyo culimo ay ka mid yihiin Sheekh Cali Wajiis iyo Sheekh Bashiir Axmed Salaad, maanta oo Isniin ahayd, ayaa galabta shir jaraa’id ku qabtay qabuuraha Iskuul Buluusiya ee degmada Xamarjajab ee gobolka Banaadir.

Masu’uliyiintaan oo dhamaantood la hadlay warbaahinta ayaa shaaciyey amar ka soo baxay dowladda, kaas oo lagu dalbanayo in si deg deg ah, qabuurahaas looga saaro meydadka ku aasan halkaasi.

Sidoo kale masu’uliyiinta ayaa sheegay in muddo 10 cisho ah meydadka looga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya, iyagoo cadeeyay in dhulkaasi la dejindoono ciidanka ilaalada Xeebaha Soomaaliya.

Wasiirka Gaashaandhigga XFS Cabdulqaadir Maxamed Nuur (Jaamac) ayaa sheegay in wararka la faafi doono inta la iska dhaafo loo hoggaansamo awaamiirta dowladda, maadaama dhulkaan loo qorsheeyey howlo dan-guud ah oo la deji doono ciidanka ilaalada Xeebaha Dalka.

Guddoomiye ku xigeenka amniga iyo siyaasadda gobolka Banaadir Maxamed Yabooh, ayaa sheegay in maamulka gobolka Banaadir, oo qoysaska eheladooda ay ku aasan yihiin qabuurahaasi ay ka gacan sii doonaan sidii ay ula bixi lahaayeen.

Sidoo kale guddoomiye Yabooh, ayaa sheegay in ka maamul ahaan ay saari doonaan meydadka hadii la waayo ehello kala baxa qabuurahaan sidoo kalena ay ka caawin doonaan qoysaska danta yar ee aan awoodin qarashaad la bixida lafaha laga c loonabedelayo Xerada Ciidamada Ilaalada Xeebaha Soomaaliya.

Sheekh Bashiir iyo Sheekh Cali Wajiis ayaa diiniyan uga hadashay arrintaan, iyagoo sheegay inay banaan tahay in meydadkaan laga saaro qabuuraha, hadii loo soo baahday dhulka oo dan-guud lagu qabanayo.

Culimadaasi ayaa Ummadda Soomaaliyeed, ugu baaqay in ay u hoggaansamaan awaamiirta dowladda Soomaaliya, maadaama Dowladda ay masu’ul ka tahay dadka iyo dalka, dhulkii ay u soo baahatana ay waajib tahay inay hesho, waa sida ay hadalka u dhigeen.

Dhowaan ayay ahayd markii laga saaray meydka, marxuum Cabdi Muriidi Dheere (Ajakis) oo kamid ahaa majaajilistayaasha caanka ah ee Soomaaliyeed, kaas oo geeriyooday sannadkii 2021-kii.

Wiil uu dhalay marxuumka oo lagu magacaabo Maxamed Jaceelow, ayaa sheegay inay ka war heleen amarkaas oo lagu sheegay in qabuuraha lagu burburinayo, kadibna ay sidaas kula soo baxeen maydka Aabahood, isaga oo sheegay inay ku aasi doonaan meel kale.

“Annaga oo soo booqanay Aabe ayaa maalin dhexdaas imaanay qabuuraha, waxaa naloo sheegay in dhammaan maydadka ku jira qabuurahan in la baxsanaayo, sidaas aawgeed waxaan go’aansanay inaan maanta Aabe ka bixino oo gayno meel kale” ayuu yiri.

Sidoo kale wuxuu sii raaciyay “Waxaan gayn doonaa meel kale oo amaan ah oo aan ku booqan karno, waligiisna aan laga bixin doonin”.

Booliska Soomaaliya ayaa horey u beeniyay faagashada qubuuraha Iskuul Buluusiya, ee magaalada Muqdisho, kaas oo horey dadka qaar loogu war-galiyay.

Afhayeenka booliska oo warbaahinta kula hadlay halkaasi ayaa beeniyay inuu jiro amar kasoo baxay taliska oo lagu burburinayo qabuurahaasi, isaga oo waxba kama jiraan ku tilmaamay.

“In maydadka laga saaro qabuuraha Iskuul Buluusiya ma’ahan mid jirto arrintaas, amar kasoo baxay talisyadana ma jiro” ayuu yiri afhayeenka.

Sidoo kale wuxuu ka hadlay darbiga weyn ee lagu wareejiyay qubuuraha uu yahay ujeedka in lala socdo dhaq-dhaqaaqa iyo cida lagu aasayo halkaasi sababta rasmiga ee ay u dhimatay iyo warqad caddeneysa dhimashada qofkaasi.

“Beriyahan waxaa soo kordhay in qof la dilo, haddana la duugo, si looga hortago arrintaasn ayuu booliska soo kordhiyay siyaasaddan cusub” ayuu mar

Afhayeenka booliska ayaa sidoo kale sheegay in dadka ay xor u yihiin in ay labaxaan meydadka ehelladooda, haddii ay heli karaan meel iyagu jeceylyihiin.

“Xor ayay u yihiin bulshada Soomaaliyeed ninka qof ka dhintay ee horay ugu aasay halkan, haddii uu meel wanaagsan ku aasanaayo ama gurigiisa xor ayuu u yahay” ayuu yiri markale.