Sir culus: Xildhibaan sheegay dbibaato ka taagan Xarunta Golaha Shacabka

Sir culus: Xildhibaan sheegay dbibaato ka taagan Xarunta Golaha Shacabka

Xildhibaan Maxamed Ibraahim Macalimuu oo kamid ah Xildhibaannada Golaha Shacabka ayaa ka hadlay nadaafad darro kajirto Xarunta Villa Hargeysa oo ay ku Shaqeeyaan Xildhibaannada.

Hoos ka akhriso Qoraalka Xildhi aanka

Xubnaha Gollaha Shacabka ee Baarlamaanka Soomaaliya waxa laga jaraa bil kasta 100 $ . 275×100=27,500 bishii .

Maadaama ay lacagtaasi socotay muddo ka badan labo sano wadarteedu waxa ay gaareysaa lacag buuran oo shacabka Soomaaliyeed ama Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed wax ka dabooli karta .

Guddoonka Baarlamaanka waxa la joogaa waqtigii lagula xisaabtami lahaa lacagahaa iyo kuwo kale oo Baarlamaanka loogu talagalay. Wax kale iska daa tubooyinka suuliga ee lagu faraxasho Xarunta Gollaha Shacabka oo intoodii hore waa hore burburay xitaa dayactir laguma sameeyo. Maqaayadaha caadiga ah ayaa leh shaqaale nadiifiya suuliga oo u taagan, inta aan Baarlamaanka joogay ma arag hal qof oo u u taagan nadaafadda Suuliga, hade waa goob ay ku shaqeeyaan ku dhawaad 400 oo ruux oo isugu jira xubno Baarlamaan iyo shaqaale. Xafiiska Hantidhowrka Guud waa sugeynaa !

Leave a Reply

Your email address will not be published.