Maxkamadda ciidamada Galgaduud oo dil toogasho ku fulisay Nin horey dil ugeystay.

Caabudwaaq (Raxanreeb online) – Waxaa goordhow fagaare kuyaalla degmada Caabudwaaq ee gobolka Galgaduud, xukun dil ah lagula fuliyay Maxamed Kaafi Cabdi oo maalmo kahor maxkamadda gobolka Galgaduud ku heshay kiis dil ah kuna riday xukun dil ah.

Sidoo kale, ninkan xukunka dilka ah goordhow lagu fuliyay ayaa maxkamadda horteeda ka qirtay in si kas ah u dilay marxuum Duraan Jaamac Maxamed, waxa uuna sheegay in isna diyaar u yahay in lagu fuliyo xukun dil qisaas u ah marxuumkii uu dilay.

Dhanka kale, saraakiil katirsan maxkamadda gobolka Galgaduud iyo saraakiil kale oo ciidan ayaa sheegay in qof kasta oo dil bareer ah geesta ciqaabtiisa tahay in isma la toogto, waxa ayna digniin u direen dadka sida micnodarada ah dadka u dila.

Ugudambeyn, magaalada Caabudwaaq ayaa sannadkan kaliya waxaa lagu toogtay ku dhawaad 10-nin , kuwaa oo dilal bareer ah u geestay dad kale oo qaarkood shacab ahaayeen, waxaana odayaasha deegaanka isku raaceen in shareecada islaamka laga hirgaliyo degmada lana toogto qof kasta oo dil geesta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.