DEG DEG: Taliyaha ciidanka boliiska oo loo magacaabay Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi Diyaano.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Golaha Wasiirrada Xukuumadda Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya oo maanta yeeshay kualankoodii caadiga ahaa, ayaa ansixiyey soo jeedinta Wasaaradda Amniga Gudaha ee magacaabidda Taliyaha Ciidanka Booliska Soomaaliyeed, kaas oo loo magacaabay Generaal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Sidoo kale, taliyaha cusub ee Goluhu ansixiyey, ayaa ah sarkaal aqoon iyo khibrad u leh arrimaha ciidammada, isaga oo intii u dhaxeysay sanadihii 2007 ilaa 2018 soo noqday Taliyaha Ciidanka Amniga Puntland ee PSF.

Dhanka kale, Shirka Golaha Wasiirrada oo uu guddoominayey Ku-simaha Ra’iisul Wasaaraha, ahna Ra’iisul Wasaare ku-xigeenka Xukuumadda Saalax Axmed Jaamac, ayaa lagu ansixiyay soo jeedinta wasaaradda ammiga gudaha ee taliyaha cusub Jeneraal Asad Cismaan Cabdullaahi.

Leave a Reply

Your email address will not be published.