Ciidanka Nabad Sugida Soomaaliya oo burburiyay Maxkamad ay lahaayeen Alshabaab.

Shabeellaha hoose (Raxanreeb online) – Ciidamada Nabadsugida Soomaaliya ayaa howlgalo ay ciidamada xoogga dalka ka sameeyeen gobolka Shabeellaha Hoose ku bur buriyay dhowr maxkamadood oo Al-shabaab ah kuwaas oo lagu bartilmaameedsanayay isbaarooyinka sharci darrada ah ee kooxdaasi iyo habab garsoor oo been abuur ah.

Howlgalka oo ay si wadajir ah u fuliyeen ciidamada Milatariga,Booliska iyo Nabadsugida Soomaaliya ayaa waxa uu ka dhacay Beerta Cali Mahdi, Balad Amiin iyo deegaano ku dhow oo Al-Shabaab ay ka sameysteen Maxkamado. Sida ay sheegeen saraakiisha ammaanka, maxkamadahaan ayaa waxa ay ahaayeen kuwo ay kooxda dableyda ah u adeegsan jireen in ay isugu yeeraan dadka deegaanka oo ay lacago baad ah ka qaataan.

“Waxaan burburinay maxkamadihii been abuurka ahaa ee ay kooxdaasi ka sameysteen deegaanadaasi, laga bilaabo maanta ma suurta galeyso inay mar kale dhistaan ​​maxkamado noocaan ah” ayuu yiri sarkaal ka tirsan ciidamada dowladda oo la hadlay warbaahinta dowladda.

Dawladdu waxay ku boorisay dadka deegaanka inay ku tiirsanaadaan nidaamka garsoorka ee rasmiga ah, iyadoo u xaqiijisay in cadaaladda la horgeyn doono maxkamadaha sharciga ah.
“Khawaarijtu halkan ma awoodaan inay dib u furaan maxkamadahooda beenta ah, waxaan ku dhiirigelinayaa dadka inay cadaalad u doontaan maxkamadaha dowladda,” ayuu yiri sarkaal.

Howlgalkan ayaa daba socda howlgal kan la mid ah oo sanadkii hore ay fuliyeen ciidamada xoogga dalka Soomaaliyeed qeybta 14-ka October, kaasi oo lagu bur buriyay isbaarooyin iyo maxkamado Al-shabaab ay ku lahaayeen gobolka Shabeellaha Hoose oo ay kooxdaasi lacago baad ah uga qaadan jireen dadka rayidka ah.

Leave a Reply

Your email address will not be published.