Jabuuti oo sugaysa go’aanka Itoobiya ee ku aaddan soo jeedinta ku aaddan helitaanka dekedda si loo qaboojiyo xiisadda kala dhexeysa Soomaaliya.

Addis Ababa (Raxanreeb online) – Itoobiya ayaan weli ka jawaabin soo jeedinta ka timid Jabuuti ee fududeyn karta khilaafka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Soomaaliya iyo Itoobiya, sida uu xaqiijiyay Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf.

Yuusuf oo wareysi siiyay VOA-da ayaa shaaca ka qaaday in Jabuuti ay weli ka dhursugayaan go’aanka Itoobiya ee ku aadan isticmaalka iyo maamulka dekedda Tojorah ee ku taalla gobolka Waqooyi ee Jabuuti.

Jabuuti ayaa u soo jeedisay dekedda in ay noqoto baddal kale oo ay Itoobiya marin u hesho, taas oo ah mid aan bad lahayn oo ku tiirsan waddammada deriska ah ee marinnada ganacsi.

“Soo jeedinta ayaa weli miiska saaran, waxaan rabnaa in aan hoos u dhigno xiisadda u dhexeysa Itoobiya iyo Soomaaliya, annagoo siinno dekedda waqooyi ee Itoobiya si ay uga faa’iideysato ganacsi,” ayuu yiri Yuusuf. Waxa uu intaa ku daray in haddii la aqbalo heshiiskaasi uu horseedi karo iskaashi wadajir ah oo kobciya dhaqaalaha labada dal.

Soomaaliya ayaa sidoo kale muujisay in ay doonayso in ay Itoobiya u ogolaato in ay ganacsi ahaan u gasho baddeeda balse waxa ay meesha ka saartay in ay wax ciidan ahi joogaan. Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud ayaa sheegay in gelitaanka Itoobiya ay tahay mid ka tarjumaysa hannaanka dalalka deriska ah ee aan badda lahayn ee ay la leeyihiin waddamada xeebaha ah, sida gelitaanka Uganda ee biyaha Kenya ama in Rwanda ay gasho Tanzania.
“Haddii Itoobiya ay doonayso in ay gasho ganacsi, waan u furannahay arrintaas. Laakiin ma jiri doono saldhig ciidan,” Maxamuud ayaa ku nuux-nuuxsaday.

Jabuuti ayaa gudbisay hindisaha dekedda July 2024, laakiin saraakiisha Itoobiya si rasmi ah ugamay jawaabin. Jabuuti oo ah wadan istaraatiiji ah oo ku yaala Geeska Afrika, waxa ay saldhigyo ciidan ku leedahay quwado badan oo caalami ah, oo ay ku jiraan Maraykanka, Faransiiska, Talyaaniga, Japan, iyo Shiinaha, waxayna u adeegtaa xudun badeed muhiim u ah marinka Badda Cas iyo Gacanka Cadmeed, oo ah aag. u nuglaadaan khataraha ammaanka ee uga imaanaya xagjiriinta, burcad-badeedda, iyo Xuutiyiinta.

Xidhiidhka diblomaasiyadeed ee u dhexeeya Itoobiya iyo Soomaaliya ayaa si gaar ah u xumaaday tan iyo bishii January ee sannadkii 2024-kii, markaasoo Itoobiya heshiis is-afgarad ah la saxeexatay Somaliland, oo Itoobiya u siisay marin badeed iyo saldhig millatari si ay u hesho aqoonsi madax-bannaanida Somaliland. Heshiiskan ayaa sii xumeeyay xiisada u dhaxeysa Soomaaliya iyo Itoobiya, iyadoo Soomaaliya ay diidan tahay heshiiska.

Leave a Reply

Your email address will not be published.