Taliyaha cusub ee ciidanka boliiska oo guddoomiyay shirka toddobaadlaha ee taliska ciidanka boliiska.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi, ayaa maanta guddoomiyey shirka todobaadlaha ee taliska booliiska, kaas oo looga hadlay arrimo badan oo khuseeya dhinaca amniga.

Sidoo kale, shirkan oo ay ka qeybgaleen taliyaasha hoggaannada, fadhiyada madaxabannaan iyo qeybta guud ee booliiska gobolka Banaadir, waxaana diiradda lagu saaray dardargalinta shaqada ciidanka booliiska Soomaaliyeed iyo ladagaallanka kooxaha argagaxisada iyo kuwa ammaan darada ka shaqeeya.

Dhanka kale, Taliyaha ciidanka booliiska Soomaaliyeed Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi ayaa saraakiisha ciidamada faray in la dardargaliyo shaqada amniga dalka iyo kan caasimadda, si loo ilaaliyo nafta, hantida iyo sharafta muwaadiniinta Soomaaliyeed.

Ugudambeyn, Jeneraal Asad Diyaano, ayaa shalay xilka si rasmi ah ula wareegay waxa uuna shirkan uu maanta guddoomiyay noqonayaa kiisii ugu horreeyay, waxaana dad badan aaminsan yihiin in taliyaha wax badan kusoo kordhin doono ciidanka booliiska uu hoggaankiisa la wareegay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.