Taliyaha ciidanka boliiska oo kulamo laqaatay siyaasiyiin kasoo jeedo Puntland.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Taliyaha ciidanka boliiska Soomaaliyeed, Sarreeye Guuto Asad Cusmaan Cabdullaahi Asad Diyaano ayaa  kulan muhiim ah la qaatay xildhibaanada heer Federaal, siyaasiyiin iyo waxgarad kasoo jeeda deegaannada maamulka Puntland.

Xildhibaannadan, Siyaasiyiinta iyo waxgaradka uu la kulmay taliye Asad Diyaano , ayaa waxa ay si weyn usoo dhaweeyeen mas’uuliyadda cusub ee hoggaaminta taliska ciidanka booliiska Soomaaliyeed ee loo magacaabay, waxa ayna Ilaah uga baryeen in masuuliyadda ku dhowro.

Sidoo kale, taliye Asad ayaa xildhibaannada iyo mas’uuliyiintaan uga mahadceliyay soo dhaweynta diiran, isla markaana ka guddoomay hambalyada iyo taageerada ay u muujiyeen, waxa uuna ka dalbaday in ay garab istaagaan qorshaha dowladda ee ciribtirka Al-shabaab iyo dib u dhiska dalka.

Dhanka kale, magacaabista taliyaha cusub ee ciidanka booliiska Soomaaliya ayaan laga soo dhaweyn Madxatooyada Puntland oo khilaaf kala dhaxeeyo Villa Soomaaliya, waxaana Asad Diyaano uu hadda raadinayaa taageerada siyaasiyiinta iyo waxgaradka kasoo jeeda Puntland.

Leave a Reply

Your email address will not be published.