Antony Blinken oo markiisii 11aad booqanaya Isra’iil iyo magaalooyin kamid ah Bariga dhexe.

New York (Raxanreeb online) – Xoghayaha Arrimaha Dibadda Mareykanka Antony Blinken ayaa Tallaadada maanta ah gaaray Isra’il, halkaas oo uu ka billaabayo booqasho uu ku mari doono dalal ku yaalla Bariga Dhexe.

Sidoo kale, Antony Blinken ayaa isku dayi doona in uu soo nooleeyo wadahadallada xabbad-joojinta Gaza iyo mustaqbalka siyaasadda ee Marinka Gaza, kaddib dilka hoggaamiyihi Xamaas ee Yaxya Sinwaar.

Dhanka kale, Socdaalkan ayaa noqonaya kiisii 11aad ee uu ku tagayo Isra’il, tan iyo marki ay billaabatay colaaddka Isra’il iyo Xamaas toddobadi bishi October ee sannadki 2023-ki, markaas oo ay Xamaas weerartay Isra’il, taasoo kicisay duullaanka wali socda ee ay Isra’il ka waddo Gaza iyo Lubnaan.

Isra’il ayaa sii xoojisay duqeymaha ay ka waddo Gaza iyo Beyrut todobaadyadi u danbeeyay, halkaas oo ay saraakiisha caafimaadka labada dhinac ay sheegeen in la dilay boqollaal qof.

Qorshaha socdaalka Blinken ee Bariga Dhexe oo qaadan doono hal toddobaad ayaa waxaa qeyb ka ah, safar uu maalinta Arbacada berrito ah isugu mari doono Urdun iyo Qatar.

Leave a Reply

Your email address will not be published.