Dowladda kenya oo afar qofood oo basaasiin ah ku wareejisay Xukuumadda Ankara

Nairobi (Raxanreeb online) – Qaramada Midoobay ayaa walwal ka muujisay dib u celinta afar qof oo qaxooti Turkish ah oo laga masaafuriyey Kenya, kuwaas oo kooxaha xuquuqda aadanaha ay sheegeen in la afduubay oo si qasab ah loo celiyay, iyada oo la jebinayo sharuucda caalamiga ah.

Sidoo kale, afarta qof ayaa lagu kala magacaabaa Mustafa Genc, Huseyin Yesilsu, Ozturk Uzun iyo Alparslan Tasci – ayaa dib loogu celiyay Turkiga Jimcihii, sida ay sheegtay wasaaradda arrimaha dibadda dalka Kenya.

Dhanka kale, arrintan waxay daba socotay warar ay warbaahintu baahisay oo sheegayey in laga afduubtay waddo ku taalla caasimadda Kenya ee Nairobi, iyaga iyo saddex qof oo kale oo markii dambe la sii daayay.

UNHCR, oo ah hay’adda qaxootiga u qaabilsan Qaramada Midoobay, ayaa bayaan ay siisay wakaaladda wararka ee AFP ku sheegtay “inay aad uga walaacsan tahay dib u celinta afarta qaxooti ee Kenya.”

Waxay ugu baaqday dawladda Kenya inay u hoggaansanto waajibaadkeeda sharci ee caalamiga ah iyo gaar ahaan, inay ixtiraamto mabda’a magan-galyo-doonka iyo qaxootiga ka ilaalinaya tallaabo kasta oo u horseedi karta in loo raro meel ay noloshooda ama xorriyaddooda halis ku galeyso”.

Ma ahan markii ugu horeysay oo Kenya ay ku lug yeelato falal qasab ah oo lagu masaafuriyey muwaadiniin Turkish ah.

Bishii May 2021, basaasiinta Turkiga ayaa afduubtay Selahaddin Gulen, ay ehel yihiin nin ay muddo cadaawad kala dhaxeysay madaxweyne Recep Tayyip Erdogan, inkasta oo maxkamadda Kenya ay amartay inaan loo gacan gelin.

Waxaa adeer u ahaa Fethullah Gulen, oo ah wadaad Axaddii geeriyooday isaga oo 83 jir ah, kaasi oo fadhigiisu ahaa Maraykanka, islamarkaana uu Erdogan ku eedeeyay in uu ka dambeeyay afgambigii dhicisoobay ee 2016.

Leave a Reply

Your email address will not be published.