NAIROBI: Aas dad badan ay kasoo qeyb galeen oo Nairobi loogu sameeyay hooyo Soomaaliyeed & gabdheheeda.

Nairobi (Raxanreeb online) – Dadyow fara badan oo Soomaali ah ayaa ka qeybgalay aas shalay magaalada Nairorbi loogu sameeyay, hooyo Soomaaliyeed, gabadheeda iyo gabadh ay habar-yar u tahay oo toddobaadkaan si xun loogu dilay magaalada Nairobi ee caasimadda dalka Kenya.

Sidoo kale, boliska Kenya ayaa sheegay, in ay wali wadaan baaritaanka dilka foosha xun ee lagula kacay Waris Daa’uud iyo gabahdeeda Amina Cabdirashid oo 21 jir aheyd iyo Nuseyba Dahir oo 12 jir aheyd oo ay habar yar u aheyd.

Dhanka kale, majirto ilaa hadda cid loosoo qabtay dilkan foosha xun ee lagula kacay haweeneyda Soomaaliyeed iyo iyo gabdheheeda, ilaa haddana boliisku waxa ay sheegayaan in wadaan baaritaano ku aadan dilkaasi.

Sikastaba, magaalada Nairobi ee caasimadda dalka kenya ayaa waxaa inta badan ka dhaca dilalka noocan oo kale ah, iyadoona horey Soomaalidi badan oo halkaasi deganeyd lagu dilay.

Leave a Reply

Your email address will not be published.