Boliiska Kenya oo shaaciyay xogta iyo magaca ninkii dilka argagaxa lahaa ka geystay Nairobi.

Nairobi (Raxanreeb online) – Hay’adda dambi baraista dalka Kenya ayaa shaacisay magaca iyo xogta nin Soomaali ah oo lagu tuhmayo in uu ka dambeeyay dilal argagax lahaa oo dhawaan ka dhacay magaalada Nairobi, kuwaa oo loo geestay hooyo, gabar ay dhashay iyo sidoo kale gabar kale oo habayar u aheyd.

Sidoo kale, war qoraal ah oo kasoo baxay hay’adda dambi baarista dalka Kenya ayaa lagu sheegay in tuhmanaha ugu weyn ee kiiska dilalka argagaxa lahaa ee ka dhacay magaalada Nairobi uu yahay  nin Soomaali ah oo lagu magacaabo Hashim Dhagane Muxumed oo 24 jir ah.

Dhanka kale, baarayaasha, muuqaalka CCTV  duubtay ayaa shaaca ka qaaday in Dhagane uu watay gaari Nissan Note ah oo nambarkiisu yahay KDQ 718Y, kaasoo la arkayay isagoo gabdhaha la dilay  kasoo qaadaya gurigooda oo ku yaalla xaafadda Eastleigh Oktoobar 21, 2024.

Ninkan Soomaaliga ah gabdhaha lagu tuhmayo in uu dilay oo lagu kala magacaabo Dahabo Daa’uud Saciid oo 38 jir ah, Aamina Cabdirashiid Daahir oo 22 jir ah iyo Nusayba Cabdi Maxamed oo 13 jir ah ayaa 22-kii October meydadkooda oo si xun loo dilay loona jar jaray jirkooda laga helay qeybo kamid ah Nairobi.

Ninkan sawirkiisa lasoo bandhigay ee falkan dilka ah lagu tuhmayo ayaa la sheegay in gaarigiisa uga tagay  meel u dhow suuqa Wakulima ee magaalada Nairobi, waxaana gaariga hadda la wareegay oo baaritaanno ku wada ciidamada dambi baarista, si ay caddeymo dheeraad ah uga helaan.

Dambi-baarayaasha ayaa sidoo kale ka codsaday shacabka dalka Kenya in laga caawiyo sidii loo heli lahaa Haashim Dhagane Muxumed oo baxsad ku jira. Waxay ku boorinayaan qof kasta oo xog ka haya ninkaasi baxsadka ah in in xogtiisa lasoo wadaagaan booliiska si loo qabto.

Leave a Reply

Your email address will not be published.