Golaha shacabka oo ansixiyay hindise sharciyeedka Tacliinta sare ee Qaranka oo ay keenta Wasaaradda Waxbarashadda.

Muqdisho (Raxanreeb online) – Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee Golaha Shacabka ee Baarlamaanka Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya Sacdiyo Yaasiin Xaaji Samatar oo uu wehliyo guddoomiye ku xigeenka labaad ee Golaha Shacabka  Cabdullaahi Cumar Abshirow ayaa shir guddoomisay Kulanka 35-aad kalfadhiga 5-aad ee Golaha Shacabka.

Sidoo kale, ajendaha kulanka ayaa waxa uu ahaa akhrinta seddaxaad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka oo ay soo gudbisay Wasaaradda Waxbarashada, Hiddaha iyo Tacliinta sare ee Xukuumadda Federaalka Soomaaliya.

Xoghayaha guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Maxamed Cabdiraxmaan Nadiif ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka la wadaagay warbixinta akhrinta 3-aad iyo u codeynta hindise sharciyeedka Tacliinta Sare ee Qaranka.

Intaas ka dib mudanayaasha Golaha Shacabka ayaa cod u qaaday hindise sharciyeedka, waxaa na ogolaaday 140-Xildhibaan, waxaa diiday hal Xildhibaan, mana jirin Xildhibaan ka aamusay.

Guddoomiyaha guddiga Horumarinta Adeega Bulshada ee Golaha Shacabka Xildhibaan Xildhibaan Nadra Saalax Cabdi ayaa mudanayaasha Golaha Shacabka uga mahad celisay ansixinta hindise sharciyeedkan, iyadoo sheegtay in qeybaha ay quseyso ay kala tashadeen islamarkaana ay ku dareen fikradhihii iyo talooyinkii ay Xildhibaanadda ka dhiibteen akhrintiisii labaad.

Leave a Reply

Your email address will not be published.