Raaskambooni (Raxanreeb online) – Dowlad goboleedka Jubbaland ayaa maanta mar kale deegaanka Raaskambooni ee gobolka Jubbada Hoose, waxa ay diyaarad ka soo saartay askar katrirsan ciidanka dowladda Soomaaliya, kuwaa oo dhawaan lagu qabtay dagaalkii ka dhacay Raaskambooni.
Sidoo kale, Saraakiil katirsan ciidanka maamulka Jubbaland iyo masuuliyiin kale, ayaa garoonka diyaaradaha Raaskambooni kasoo sagootiyay askarta katirsan Gorgor iyo Haramcad ee maanta magaalada Muqdisho dib loogu soo celiyay markii horana laga qaaday.
Dhanka kale, askarta maanta diyaarada la saarayay ayaa wajiyadooda waxaa ka muuqatay farxad, waxa ayna qaarkood sheegeen in lagu soo qalday keenistii deegaanka Raaskanbnooni ayna raali ka aheyn, waxa ayna xuseen in ay ku faraxsan yihiin in iyaga oo nabbad qabo dib loogu celiyo Muqdisho.
Ugudambeyntii, Maamulka Jubbaland ayaana hubkii ay wateen iyo saanadii ciidan ee kale ka reebtay askarta ay dib ugu celiiyeen magaalada Muqdisho, waxa ayna sheegeen in askartan ahaayeen kuwa ay soo qaldeen Xasan Sheekh iyo Xamse Cabdi Barre.
Leave a Reply