Suuriya (Raxanreeb online) – Dagaal udhexeeyo koox ay Turkiga taageerto iyo xooggaga Kurdiyiinta ayaa ka dhex qarxay gudaha Siiriya, kooxda ay Turkiga taageerto ayaana duqeymo dhanka cirka ah ka geystay halkaasi, xoogga Kurdiyiinta ayaana 37 qofood ku dilay gobolka Manbij ee waqooyiga dalka Suuriya.
Sidoo kale, dagaalladii ugu dambeeyay ee la soo weriyey ayaa imanaya inkastoo Mareykanka uu Arbacadii sheegay inuu ka shaqeynayo sidii wax looga qaban lahaa walaacyada Turkiga ee Suuriya si xulafada NATO ay uga dhaadhiciyaan in aysan kordhin weerarada ka dhanka ah dagaalyahanada Kurdiyiinta.
Kooxda Kormeerayaasha dagaalka Suuriya ee Xuquuqda Aadanaha ayaa sheegtay in “dagaalo ba’an ay ka dhaceen baadiyaha Manbij saacadihii la soo dhaafay kuwaas oo u dhexeeya Kurdida ay hoggaaminayaan Xooggaga Dimoqraadiga Suuriya (SDF) iyo kooxaha Turkey ay taageerto ee Ciidamada Qaranka oo dusha sare ay ka taageereyso Turkey.”
“Weerarada waxaa lagu dilay 37 qof, sida ku cad khasaaraha horudhaca ah, oo isugu jira dagaal-yahannada Turkey ay taageerto iyo kuwa SDF, iyo shan qof oo rayid ah,” ayey tiri kooxda kormeerka ee fadhiggeedu yahay Britain, taasi oo ilo-wareedyo kala duwan ku leh gudaha Suuriya.
Dhanka kale, Kooxda Kormeerka ayaa sheegtay in ugu yaraan 322 qof lagu dilay dagaalka ka socda baadiyaha Manbij tan iyo bishii hore.
Mazloum Abdi oo madax u ah kooxaha SDF ee uu Maraykanku taageero, ayaa Arbacadii sheegay in kooxdiisu ay taageereyso “midnimada iyo wadajirka dhuleed ee Suuriya”.
War qoraal ah oo uu u diray wakaaladda wararka ee AFP, ayuu ugu baaqay maamulka cusub ee Suuriya “in ay soo farageliyaan si ay xabbad-joojin uga dhacdo Suuriya oo dhan”.
Sikastaba, hadalka Abdi ayaa daba socday waxa uu ugu yeeray shir “wanaagsan” oo dhexmaray hoggaamiyayaasha Kurdiyiinta iyo maamulka Dimishiq dabayaaqadii bishii hore.
Leave a Reply