Ciidamada Dowladda iyo kuwa Kenya oo ku dagaalamay xuduuda Kenya iyo Soomaaliya

Baladxaawo ( Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaray degmada Balad-xaawo ee gobolka Gedo, ayaa sheegay in xaalada magaaladaasi  ay maanta kacsan tahay kaddib markii shalay xuduud beenaadka Kenya iyo Soomaaliya uu ka dhacay dagaal khasaaro geystay.

Dagaalka oo dhex maray ciidamo katirsan dowladda Soomaaliya iyo kuwa Kenya, ayaa si gaar ah ugu dhacay xuduuda Magaalooyinka Mandheera iyo Balad-xaawo ee gobolka Gedo, waxaana ka dhashay khasaaro kala duwan.

Inta la xaqiijiyay waxaa dagaalkaasi ku dhintay hal askari oo katirsanaa ciidanka Booliska Kenya.

Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in sababta keentay dagaalka ay tahay in ciidamada Booliska Kenya  ay xireen wiil dhallinyaro ah oo kamid ahaa ganacsatada degmada Balad-xaawo, xili uu ku sugnaa magaalada Mandheere ee gobolka waqooyi Bari ee Kenya, isla markaana aan la ogeyn sababta keentay in xiraan.

Sidoo kale waxaa la sheegay in ciidamada Kenya ay xabsiga ku jirdileen wiilka dhallinyarada ah, una sii gudbiyeen xabsi ku yaalla magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya.

Wararkii ugu dambeeyey ayaa sheegaya in ciidamada Kenya ay xireen xuduuda magaalooyinka Balad-xaawo iyo Mandheere, sidoo kalana ay dowladda Kenya  ciidamo badan soo dhoobtay xuduud beenaadka Soomaaliya iyo Kenya.

Leave a Reply

Your email address will not be published.