Gaalkacyo (Raxanreeb )- Maamulka Puntland ayaa soo saaray go’aan adag oo ka dhan ah Hay’adda NIRA oo Dowladda Soomaaliya u qaabilsan diwaan galinta dadwaynaha.
Gudoomiyaha Mudug ee Puntland Faysal Sheekh Cali ayaa uga digay dadwaynaha magaalada Gaalkacyo inay qaataan kaarka aqoonsiga dadwaynaha ee NIRA ka dib markii xubno ka tirsan Hay’adda ay tageen magaalada Gaalkacyo .
Guddoomiye Faysal Shiikh Cali ayaa sheegay in qof kasta oo mara hannaanka diiwaangelinta dadweynaha ee hay’adda NIRA, si uu kaarka aqoonsiga muwaadinimo uga qaato hay’addaasi uu lumin doono xuquuqda as-aasiga ah iyo tan muwaadinimo ee Puntland, islamarkaana laga qaadi doono tallaabo sharciga waafaqsan.
“Dastuurkii dalka ee Soomaali ku heshiisay waa la beddelay oo meesha waa ka baxay. Dastuur dhoob-dhoob ah oo aysan Soomaali ku midaysnayn hay’ad laga sameeyay oo NIRA la yiraahdo ayaa dalka timid oo leh diiwaangelin baan samayn. Horta dastuuri ma tahay mise maaha?” Ayuu yiri guddoomiyaha gobolka Mudug ee Puntland Faysal Shiikh Cali.
Si kastaba ahaatee Puntland ayaa marar badan ka hortimid tallaabooyin ay qaaday dowladda federaalka, sida qaadista imtixaanaadka mideysan, wax ka beddalka dastuurka, dhismaha guddiga madaxa banaan ee doorashooyinka iyo go’aanno kale oo xasaasi ah.
Leave a Reply