Burkino Faso ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha dalka Burkina Faso, Ibrahim Traore ayaa si rasmi ah u kala direy Gudigii Qaran ee Doorashooyinka dalkaasi.
Wuxuu ku sheegay in Gudigaasi tahay khasaare lacageed oo ay isticmaalaan lacag badan oo khasaare oo ummada wax badan loogu qaban lahaa.
Waxaa kale oo uu ku eedeeyay in Gudigaasi yahay aalad ay dalal shisheeye ku leeyihiin gudaha Dalka oo ay ku faragaliyaan doorashooyinka.
Dhamaan wixii shaqa ah ee Gudigaasi qabanayay ayaa la hoos geeyay Wasaarada Arrimaha Gudaha, waxayna milatariga ee hada talada dalkaasi haysta ayaa waxa ay ku celceliyeen “Anagaa iska leh dalkayaga, ma rabo in shisheeye faragaliyo arimahayaga”, ayuu yiri madaxweyne Ibraahim.
Tan iyo markii uu xukunka qaab militeri kula wareegay Ibraahim Traore wadanka Burkino Faso, waxa uu ka shaqeeyay inuu sare u qaado dhaqaalaha dalkaasi, isaga oo sameeyey shirkado gawaarida casriga soo saara dib u casriyeena ku sameeyey kaabayaasha dhaqaalaha ee waddankaasi.

Leave a Reply