Dowladda Soomaaliya oo ka warbixisay khasaaraha ka dhashay dagaal ka dhacay Gobolka Sh/Hoose

Afgooye (Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya Ciidanka Xoogga Dalka oo kaashanaya Ciidamada Difaaca Dalka Uganda ee qeybta ka ah howlgalka AUSSOM, ayaa ka hortegay weerar ay Al-Shabaab kusoo qaadeen deegaanka Sabiib iyo Canoole ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Ciidamada dowladda, ayaa ku guuleysteen inay fashiliyaan qorshaha isku daygoodii ahaa inay gudaha u galaan deegaanka. Intii uu dagaalku socday, waxaa la sheegay in laga dilay 18 ka mid ah kooxda Al-shabaab.

Afar askari oo ka tirsan Ciidanka Xoogga Dalka ayaa dagaalka ku geeriyooday, halka ay dhaawacyo fudud kasoo gaareen todoba kale. Dhaawacyadaas waxaa si degdeg ah loogu sameeyay gurmad caafimaad oo dhammeystiran.

Geesta kale Wasaaradda Gaashaandhigga waxay si buuxda u bogaadineysaa dhabar adayga ay ka muujiyeen ciidamada Qaranka Soomaaliyeed, kuwaas oo difaacay shacabka, kuna guuleystay inay jabiyaan weerarkii Shabaab.

Sidoo kale wasaaradda Gaashaandhiggu waxay bogaadinaysaa kaalinta ay maanta ku lahaayeen saaxiibada Soomaaliya oo dhanka cirka duqaymo Dhaawac xooggan u gaystay khawaarijta sameeyay.

“Wasaaraddu waxay mar kale ku celinaysaa in Dowladda Federaalka Soomaaliya ay ka go’an tahay la dagaallanka argagixisada, sugidda amniga dalka oo dhan, iyo in shacabka Soomaaliyeed ay ku noolaadaan nolol nabdoon oo karaamo leh,” ayaa lagu yiri qoraalka kasoo baxay wasaaradda Gaashaandhigga.

Leave a Reply

Your email address will not be published.