Maxey kawada hadleyn Taliyaha ciidanka xoogga dalka iyo safiirka Shiinaha ee Soomaaliya ?

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka Soomaaliyeed, Sareeye Gaas Odawa Yusuf Rage, ayaa Muqdisho kulan kula yeeshay Safiirka Shiinaha ee Soomaaliya, Wang Yu.

Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xoojinta iskaashiga Ciidan ee labada dal, gaar ahaan dhanka amniga, horumarinta kaabeyaasha ciidanka, iyo wada-shaqeynta istiraatiijiga ah. Labada dhinac waxay sidoo kale isweydaarsadeen aragtiyo ku saabsan arrimaha danaha guud.

Taliyaha ayaa uga mahadceliyay Dowladda Shiinaha taageerada ay siiso Soomaaliya, halka Safiirka uu xaqiijiyay in Shiinuhu diyaar u yahay sii xoojinta xiriirka labada dal.

Leave a Reply

Your email address will not be published.