Nairobi ( Raxanreeb Online) Warar anu ka heleyno magaalada Nairobi ee caasimada dalka Kenya, ayaa sheegaya in maanta maxkamad lasoo taagay Axmed Rashid oo ka tirsan ciidan amniga ee magaalada Nairobi, waxaana maxkamad la horgeeyay iyadoo loo shiday muuqaal muujinaya isagoo tooganaya dhalinyaro bartamaha xaafadda Islii. Aad ayuu uga walwalsanaa arrintaas. Waxaa loo haystaa dhowr dilal oo uu ka geystay xaafadda.
Wararka ayaa intaas ku darayaan in Axmed Rashiid markii uu hor yimid maxkamada loo shiday muqaalka isagoo si naxariis daro ah u tooganaya laba dhalinyaro ah suuqa Amal hortiisa.
Muqaalka ayaa muujinayay Axmed Rashiid oo dhabarka uga taagan wiil dhalinyaro ah kadibna rasaas la dhacaya markay ka dhamaato rasaastana waxa uu waydiisanayaa saxiibkiis si uu u dhamaystiro wiilka dhaawaca ah.
Axmed Rashiid wuxuu si weyn uga shaqeyn jiray amniga xaafadda Islii inkastoo dilalka qaar uu geystay in lagu tilmaamay qaab sharci daro ah.


Leave a Reply