Boosaaso ( Raxanreeb Online) Maamulka Puntland ayaa ciidamo badan oo kamid ah kuwa badda ee PMPF, waxa ay geyneysa magaalada xeebeedka Laasqorey ee gobolka Sanaag.
Ujeedka ay ciidamada ay Puntland u geyneyso magaalada Laasqorey, ayaa lagu sheegay in ay tahay sidii ay uga abaabuli laheyd howlgallada ka dhanka ah kooxda Daacish, haddii ay isku dayaan inay xeebaha kasoo gudbaan.
Saraakiil katirsan ciidanka PMPF, ayaa xaqiijiyay in ciidamadan loo diyaariyay sidii ay u gaari lahaayeen magaalada Laasqorey, maadama uu madaxweynaha Puntland dhowaan sheegay in wajiga labaad ee howlgalka uu ka bilaaban doono magaalada Laasqorey ee gobolka Sanaag.
Sidoo kale waxaa socda howlgal ballaaran oo lagu doonayo in laisku xiro magaalada Boosaaso ilaa iyo magaalada Laasqorey ee gobolka Sanaag.
Maamulka Puntland ayaa howlgalkan cusub ugu magic daray ONKOD, waxaana qorshaha ugu weyn ay tahay in howlgalka wajigiisa labaad inay ka bilaabaan buuraha Calmadow ee gobolka Sanaag, halkaasi oo ay ku sugan yihiin kooxda Daacish.
Wixii kusoo kordho halkan kala soco

Leave a Reply