Khartum ( Raxanreeb Online) Dowladda Soomaaliya ayaa 18 muwaadin oo ku xayirnaa gudaha dalka Suudaan, dib ugu soo celisay dalka.
Muwaadiniin Soomaaliyeed, ayaa waxaa sameeyey dagaalka sokeeye ee ka socda dalkaasi, waxaana dedaal dheer kaddib dib loogu soo celiyay Soomaaiya.
Qoraalka kasoo baxay safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, ayaa lagu sheegay in Safaaradda Jamhuuriyadda Soomaaliya ee Sudan ay ku guulaysatay in maanta oo ah 03 bisha August dalka dib ugu soo celisay 18 Muwadiniin Soomaaliyeed oo in mudo ah ku xayirnaa dalka Sudan.
Safaaradda ayaa sidoo kale shaaciysay 16 muwaadin ay laga dajiyay magaalada Hargeysa halka 2 kale lageeyay magaalada Muqdisho.
Ugu dambeyn safaaradda Soomaaliya ee dalka Suudaan, ayaa ugu baaqday Soomaalida ku xayiran Suudaan, in lasoo xiraan haddii ay doonayaan in dalka dib loogu soo celiyo.

Leave a Reply