Qarax sababay dhimasho iyo dhaawac oo ka dhacay Muqdisho

Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya qarax khasaaro geystay oo galabta ka dhacay degmada Dharkeenley ee magaalada Muqdisho.

Goob joogayaal ayaa sheegay in qaraxa uu ka dhacay Maqaaxi Shaaha lagu iibiyo, taasi oo si gaar ah ugu taallay xaafadda Xoosh ee degmada Dharkenley, waxaana ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.

Inta la xaqiijiyay waxaa qaraxa ku geeriyooday hal ruux, halka 11 kalana ay ku dhaawacmeen, sida ay goob joogayaal xaqiijiyeen.

Wararka ayaa waxa intaas ku darayaan in qaraxa uu ahaa miino lagu diyaariyay goobta Maqaaxida Shaaha lagu iibinayo oo dhallinyaro badan Khaadka ku cuni jireen, kuwana caweeyn jiree.

Ciidamo dowladda ayaa gaaray halka uu qaraxa ka dhacay, iyaga oo halkaasi ka bilaabay baaritaano ku aadan qaabka uu qaraxa u dhacay.

Sikastaba, ma jirto ilaa iyo hadda cid sheegatay mas’uuliyadan qaraxan, balse inta badan qaraxyada iyo weerarada ka dhaca magaalada Muqdisho, waxaa geysta kooxda Al-shabaab oo dagaalka kula jirta dowladda Federaalka iyo ciidamada howlgalka nabad ilaalinta ee AUSSOM.

Wixii warkan kusoo kordho halkan kala soco

Leave a Reply

Your email address will not be published.