Shabeellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Ciidanka xoogga dalka gaar ahaan guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ayaa howlgal qorsheysan saacadihii lasoo dhaafay ka sameeyey deegaano ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose.
Howlgalka ayaa la sheegay inuu ahaa mid ay ciidanka uga hortagayeen dhaq-dhaqaaqa ay maleeshiyaadka Al-shabaab kawadaan deegaanada gobolka Shabeellaha Hoose.
Inta uu socday howlgalka ciidanka ayaa ku guuleystay in waddooyinka shacabka ay ka soo saaraan miinooyin ku aasnaa oo Al-shabaab la damacsanayeen in ay ku dhibaateyaan dadka shacabka ah.
“Guutooyinka 19-aad iyo 25-aad ee ciidanka xoogga daka ayaa guulo ka gaaray howlgalka ay sameyeen, iyaga oo miinooyin ay Khawaarijta ku aaseen waddooyinka shacabka maraan kasoo saaray “ ayaa lagu yiri qoraal kasoo baxay taliska ciidanka xoogga dalka.
Sidoo kale qoraalka ayaa lagu sheegay in howlgalkan uu yahay mid lagu xoojinayo amniga loogana hortagayo dhaq-dhaqaaqa ay kooxdu ka wado gobolka Shabeellaha Hoose.
Sikastaba dhowaan ayey aheyd markii ciidanka xoogga iyo kuwa AUSSOM, ay dagaal kula wareegeen Bariire oo ah deegaan istiraatiiji ah oo ku yaalla gobolka Shabeellaha Hoose, kaasi oo muddooyinkii dambe ay ku sugnayeen dagaalamayaal katirsan Khawaarijta

Leave a Reply