Muqdisho ( Raxanreeb Online) Wasiirka Gaashaandhigga Xukuumadda Soomaaliya, Axmed Macallin Fiqi, iyo Ergeyga Gaarka ah ee Xasilinta iyo Ilaalinta Rayidka, Xildhibaan Cumar Xaashi, ayaa si wadajir ah kulan ula yeeshay Agaasimaha Hay’adda CIVIC, xmed Ibraahim.
Kulanka ayaa diiradda lagu saaray xaqiijinta go’aanka Dowladda Federaalka Soomaaliya ee ku aaddan dhammaystirka Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka iyo Qaab-dhismeedka Hawleed, taas oo ah tallaabo muhiim ah oo lagu ilaalinayo rayidka, lagu xoojinayo isla xisaabtanka, isla markaana lagu horumarinayo hawlgalada amni-xaqiijinta iyada oo la dhowrayo xuquuqda bulshada rayidka ah.
Marka la dhammaystiro Siyaasadda Ilaalinta Bedqabka Rayidka, waxay noqon doontaa hagaha hay’adaha amniga si ay ilaalinta rayidka ugu daraan siyaasadaha, qorshayaasha iyo howlgalada la fulinayo.

Leave a Reply