Boosaaso ( Raxanreeb Online) Bayaan kasoo baxay taliska ciidamada Mareykanka ee qaarada Afrika ee (AFRICOM) ayaa lagu sheegay in duqeyn ay diyaaradahooda ka fuliyeen buuraha Calmiskaad ay geysteen khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac.
Duqeynta diyaaradeed aya lagu sheegay in si gaar ah loola beegsaday maleeshiyaad katirsan Daacish oo ku dhuumaaleysanayay buuraha Golis gaar ahaan Calmiskaad.
Ilo wareedyo amni oo ka tirsan howlgalka Calmiskaad ayaa sidoo kale laga soo xigtay in duqeyntaasi lala eegtay godad dhaca togga Baallade oo ay ku go’doonsan yihiin kooxo ka tirsan Daacish oo ay ku jiraan horjoogayaal muhiim ah.
Taliska howlgalka ciribtirka Daacish ee Puntland, ayaa sheegay in ay soo bandhigi doonaan khasaaraha duqeynta ay geystay in maleeshiyaad lagu dilay.
Howlgalka ciribtirka Daacish ee ka socda buuraha Calmiskaad ayaa galay wajigii saddexaad, kaddib markii madaxweynaha maamulka Puntland uu shaaciyay in howlgalka uu marayo meel gaba-gabo ah, isla markaana ciidanka Puntland ay deegaano badan ay ka sifeeyeen kooxda Daacish.
Sikastaba, kooxda Daacisha ayaa dhankeeda marmar qaar weeraro jid gal ah ku qaada ciidanka amniga Puntland ee howlgalka, waxaana u dambeeyey qarax dhowaan ay ku geeriyoodeen askar iyo ciidamo katirsan Puntland oo lagula eegtay buuraha Calmiskaad.

Leave a Reply