Muqdisho ( Raxanreeb Online) Ilo wareedyo ayaa inoo sheegay in madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud iyo guddoonka labada Aqal ee Baarlamaanka Soomaaliya, ay maanta kulan ku yesheen magaalada Muqdisho, kulankoodana uga hadleyn furitaanka kalfadhiyada Baarlamaanka.
Madaxweynaha ayaa guddoonka labada Aqal, kala hadlay sababta keentay dib u dhaca fadhiyada Baarlamaanka iyo caqabadaha jira. Madaxweynaha ayaa faray guddoonka in la furo fadhiyada Baarlamaanka, maadama ajandayaal badan ay horyalaan.
Guddoomiye Aadan Madoobe iyo guddoomiye Cabdi Xaashi, ayaa qoraal ay soo sareen ku yeeshay in kulamo watashi ah ay yesheen, isku raceen in 20-bishan uu dib u furmo kalfadhiga 7-aad ee labada Aqal ee Baaralamaanka Soomaaliya, isla markaana xildhibaanada ku war-geliyay in ay soo xadiraan.

23-bishii Agoosto, ayaa qorshaha ahaa inuu furmo kalfadhiga 7-aad ee Baarlamaanka labada Aqal, balse dib u dhac ayaa ku yimid, mana sheegin guddoonka Baarlamaanka labada Aqal, sababta keentay dib u dhac fadhiyada Baarlamaanka Jamhuuriyada Soomaaliya.

Leave a Reply