Muqdisho ( Raxanreeb Online) Madaxweynaha Jamhuuriyadda Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa maanta daahfuray Xarunta cusub ee Taliska Sahanka iyo Sirdoonka Ciidanka Xoogga Dalka, taas oo loo dhisay qaab casri ah, si loo xoojiyo awoodda difaaca iyo sugidda amniga Qaranka.
Madaxweynaha Jamhuuriyadda ahna Taliyaha Guud ee Ciidamada Qalabka Sida ayaa ku tilmaamay xaruntan astaan muujinaysa dadaallada dowladdu ku bixisay dhismaha hay’adaha difaaca, isagoo xusay in tignoolajiyada lagu qalabeeyay ay si weyn u caawin doonto hawlgallada ciidamada iyo qorsheynta istaraatiijiyadeed ee Qaranka.
Sidoo kale Madaxweynaha ayaa ku bogaadiyey Wasaaradda Gaashaandhigga iyo Taliska Ciidanka Xoogga Dalka dadaalkooda joogtada ah, isagoo tilmaamay in horumar kasta oo la gaaro uu astaan u yahay adkeysiga shacabka Soomaaliyeed iyo geesinimada ciidamadooda.
Ugu dambeyn madaxweynaha Jamhuuriyadda ayaa kormeer ku tagay Wasaaradda Difaaca, halkaas oo uu ku dhageystay warbixin faahfaahsan oo ku saabsan guulaha ay Ciidamada Qalabka Sida iyo Xoogagga Shacbiga ah ay ka soo hooyeen furimaha dagaalka, gaar ahaan gobollada Galguduud iyo Shabeellaha Hoose, halkaas oo ciidanku jab xooggan ku gaarsiiyeen kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply