Boosaaso (Raxanreeb Online) Wararka inaga soo gaaraya gobolka Bari, ayaa sheegaya in ciidanka Puntland ay howlgal qorsheysan ka sameyeen deegaano ku yaalla buuraha Calmiskaad ee gobolka Bari ee maamulka Puntland.
Howlgalka ayaa Ciidanka difaaca Puntland waxa ay si gaar ah uga fuliyeen deegaanka Koor-Xagarle oo hoosyimaada deegaanka Dhasaan oo ahayd halkii qarax miino loogu aasay Taliyihii guutada 2aad ee ciidanka Puntland AUN Jen, Qalyare, isla markaana uu ku geeriyooday.
Wararka ayaa waxa ay intaas ku darayaan in howlgalka inta uu socday lagu dilay 5 kamid ah kooxda Daacish, halka midna nolosha lagu qabtay.
Wararkii ugu dambeeyey waxa ay sheegayaan in ciidanka Puntland ay ku daba jiraan saddex dagaalame oo katirsan Daacish oo baxsaday, sida ay noo xaqiijiyeen saraakiisha howlgalka.

Leave a Reply