Ciidanka Macawiisleey iyo Al-shabaab oo dagaal culus ku dhex maray Hiiraan

Maxaas ( Raxanreeb Online) Faah faahino dheeraad ah ayaa laga helaya dagaal u dhaxeeyay ciidanka deegaanka ee Macawiisleey iyo Al-shabaab oo ka dhacay deegaanka Waab weyn oo hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka ayaa yimid kaddib markii ciidanka Macawiisleey, ay weerar ku qadeen xubno katirsan Al-shabaab oo isaga kala gudbayay deegaano hoostaga degmada Maxaas ee gobolka Hiiraan.

Dagaalka oo ahaa mid culus ayaa waxaa ka dhashay khasaaro isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo soo kala gaaray labada dhinac ee diritu u dhaxeeysay.

Saraakiisha hoggaamineysay ciidanka Macawiisleey, ayaa sheegay in ujeedka howlgalka uu ahaa in ay ka hortagaan in kooxdu isku balaaariso deegaanada kale gobolka Hiiraan.

Deegaannada gobolka Hiiraan, waxaa ka socda dhaq-dhaqaaq iska soo horjeeda oo ay wadaan ciidanka dowladda oo garab ka helaya kuwa deegaanka ee Macawiisleey iyo Al-shabaab, waxaana ciidamada huwanta ah ay qorshahoodu uu yahay in Al-shabaab ay ka saraan deegaannada ay gobolka kaga sugan yihiin.

Leave a Reply

Your email address will not be published.