Dowladda Soomaaliya oo ku guuleysatay siideynta dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa Xabsiyo ku yaalla dalka Congo

Tanzania (Raxanreeb Online) Safiirka Soomaaliya ee dalalka Tanzania iyo Congo, ayaa dadaal badan ku bixiyay sidii uu xabsiyada uga soo deeyn lahaa in ka badan 50 dhallinyaro Soomaaliyeed oo ku xirnaa xabsiyada dalka Congo.

Danjire Ilyaas Cali Xasan, ayaa ku guuleystay in xorriyadooda ay dib u helaan in ka badan 50 qof  oo muwaadiniin Soomaaliyeed, kuwaas oo ku xirnaa dalka Congo.

Muwaadiniintan Soomaaliyeed ayaa ku xirnaa xabsiyo kala duwan oo yaalla qeybo badan oo kamid ah dalka Congo, oo ay kamid tahay magaalada Lubumbashi.

Dowladda Congo ayaa sii deysay muwaadiniintan, kaddib dadaalo diblomaasiyadeed oo uu sameeyey safaaradda Soomaaliya ee dalkaas.

Danjire Ilyaas ayaa Warbaahinta ku hadasha afka dowladda u sheegay in siideynta muwaadiniinta Soomaaliyeed ay soo dedejisay codsi rasmi ah oo uu saddex maalmood ka hor u gudbiyay Safiirka Jamhuuriyadda Dimoqraadiga Congo u fadhiya dalka Tanzania, Amb. Jean Pierra Massala.

Leave a Reply

Your email address will not be published.