Taliyaha ciidanka badda Somalia oo kulan xasaasi ah la qaatay madaxa shirkadda sameeysa Maraakiibta

Roma ( Raxanreeb Online) Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS Gen Cabduwahaab Abdullahi Cumar oo ku sugan dalka Talyaaniga ayaa kulan la qaatay madaxda Shirkadda Sameeyso Maraakiibta.

Gen Cabduwahaab Cabdulaahi Cumar iyo Madaxda Shirkada Sameyso Maraakiibta ayaa ka wada hadlay Sidii Ciidanka Bada loogu tababari lahaa Sameynta Maraakiibta.

Madaxda Shirkada Sameysa Maraakiibta ayaa balan qaaday in Soomaalia ay ka taageeri doonaan Sameynta Maraakiibta iyo tababarida Saraakiisha iyo Saraakiil Xigeenada ka tirsan Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS.

Sidoo kale Taliyaha Ciidanka Badda iyo Difaaca Xeebaha ee XDS Gen Cabduwahaab Abdullahi Cumar kulan Muhiim ah la yeeshay Madaxda sare ee Shirkada ELTGROUP oo ka shaqeysa nidaamyada difaaca electronic ah iyo teknoolojiyada la xiriirta.

Leave a Reply

Your email address will not be published.