Ciidanka xoogga dalka oo la wareegay degmada Awdheegle

Shabellaha Hoose ( Raxanreeb Online) Howlgal ay si wadajir ah u sameyeen ciidanka xoogga dalka iyo howlgalka midowga Afrika ee AUSSOM gaar ahaan kuwa Yugada, ayaa waxaa u suuragashay in qabsadaan degmada Awdheegle ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Howlgalkan ayaa loogu magac daray Duufaanta aamusan, waxaana ujeedkiisu yahay mid lagu doonayo in laisugu furo isku socodka degmooyinka kala duwan ee gobolka Shabeellaha Hoose.

Qoraal kasoo baxay  wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya, ayaa lagu sheegay in ciidamada huwanta ah ay ku guuleysteen qabsashada degmada Awdheegle, iyagana hadda howlgallo baaris ah ay kawadaan.

Ciidamada dowladda oo kaashanaya kuwa midowga Afrika, ayaa muddooyinkii dambe kordhiyay howlgallada ay ka sameeyanayaan deegaannada iyo degmooyinka ay Shabeellaha hoose, kaga sugan yihiin kooxda Al-shabaab.

Leave a Reply

Your email address will not be published.