Dowladda dhexe oo wada qorsho ay maamul cusub ugu dhiseeyso gobolka Gedo

Balad-xaawo ( Raxanreeb Online) Cabdirashiid Janan taliyaha ciidanka hay’adda nabad sugida ee gobolka Gedo, ayaa warbaahinta u xaqiijiyay in dowladda federaalka ay wado qorsho ay maamul cusub oo Jubbaland ah uga dhiseeyso gobolka Gedo.

Janan ayaa sheegay in dadaalka qorshan uu meel wanaagsan marayo, isla markaana dowladda federaalka ay ku dooneyso in ay gobolka Gedo uu si toos ah uga mid noqdo maamulka cusub ee Jubbalad, xaruntiisa ku meel gaarka ahna ay noqon doonto magaalada Garbahaareey.

Taliye Cabdirashiid Janan, ayaa ugu baaqay shacabka gobolka, in ay u diyaar garoobaan dhismaha cusub ee maamulka, isaga oo hoosta ka xariiqay in mardambe loo adkeesan doonin maamul uu ku sheegay in uu yahay mid ku xiran dalal shisheeye.

Sikastaba, hadalka kasoo yeeray taliyaha hay’adda nabad sugida ee gobolka Gedo, ayaa imaanaya, iyada oo maalmo ka hor kulan aan natiijo la’aan ku dhammaaday ay magaalada Kismaayo ku yesheen madaxweynaha Soomaaliya Xasan Sheekh iyo hoggaamiyaha maamulka Jubbaland Axmed Madoobe.

Leave a Reply

Your email address will not be published.