Muqdisho ( Raxanreeb Online) Warar dheeraad ah ayaa laga helaya dabley hubeysan oo xalay degmada Dharkenley ku dilay Korneyl Cumar Cali Maxamuud oo katirsanaa ciidanka xoogga dalka.
Marxuumka oo ahaa nin oday ah, ayaa la sheegay in dableyda hubeysan ay toogteen xili uu ku sugnaa afaafka hore guriisa oo ku yaalla degmada Dharkenleey ee gobolka Banaadir.
Goob jogayaal ayaa sheegay in marxuumka rasaasta looga dhuftay qeybta sare ee jirkiisa, isla markaana uu goobta ku geeriyooday, waxaana la tilmaamay in raggii dilka ka dambeeyey ay goobta isaga baxsadeen.
Sarkaalka la dilay, ayaa kasoo qeyb qaatay howlgallada xoreynta eek a dhacay gobolka Shabeellaha Dhexe.
Dhinaca kale majiro ilaa iyo hadda war kasoo baxay laamaha amniga oo ku aadan dilka iyo howlgallada xigay ee ay sameeyeen ciidanka amniga.

Leave a Reply